Tababare Jurgen Klopp Oo Si Weyn U Amaanay Goolhayaha Cusub Ee Kooxdiisa Alisson Becker Xilli Uu Ka Hadlay Lacagaha Waalida Ah Ee Ay Ku Iibsadeen.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si weyn u amaanay goolhayaha cusub ee kooxdiisa dhawaan u saxiixay ee Alisson Becker kaas oo kaddib mudo dheer oo ay warar xan ahi la xidhiidhinayeen Anfield si rasmi ah u dhammaystiray ku biiristiisa kooxda, Klopp ayaa sidoo kale ka hadlay lacagaha waalid ah ee ay ku iibsadeen goolhayahan.

Alisson ayaa shalay oo khamiis ah dhammaystiray ku biiristiisa Reds kaddib markii kaddib markii uu Rome kasoo duulay si uu tijaabada caafimaadka ugu maro xarunta tababarka kooxda ee Melwood.

Klopp ayaa ku amaanay goolhayaha ree Brazil inuu yahay mid kamid ah goolhayayasha dunida kubadda cagta kuwooda ugu fiican, Klopp ayaa sidoo kale ka sheekeeyay sidii uu wada hadalka ula yeeshay maamulka kooxdiisa isla markaana ay iyaga qudhoodu ugu riyaaqeen goolhaye Alisson

Jurgen ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxa timid fursad aan kula saxiixan karno mid kamid ah goolhayayasha ugu fiican dunida, Kaddib may qaadan wakhti badan inaanu ka fikirnaa, Markaan daacad u hadlo kaliya waxaad u baahanaysaa inaad wax yar la hadasho mulkiilayaasha, Aad ayay u faraxsanaayeen kaddib waan samaynay”

“Waa wax ay tahay inaan qabano, Isaga waxba kama quseeyaan qiimaha, Anaga waxba nagama quseeyaan qiimaha, Waa sida uu suuqu yahay waxbadana kama fikiri doono qiimaha, Waxay ku tusaysaa qiimaha goolhayayasha ee wakhti xaadirkan”

Si kastaba ha ahaatee, Reds waxay bangiga u jabiyeen goolhayahan ree Brazil kaddib markii ay bandhig aan wacnayn soo bandhigeen Simon Mignolet iyo Loris Karius, Reds ayaana goolhayahan kula wareegtay 65 Milyan oo ah laba jibaarka lacagtii ay Manchester City ku iibsatay Ederson Moraes xagaagii hore.

Naby Keita, Fabinho, Xherdan Shaqiri & Alisson Becker oo ah afarta saxiix ee ay Liverpool ilaa haatan samaysay ayaa la filayaa inay xilli ciyaareedka soo socda tababare Klopp ka caawiyaan sidii uu dagaal weyn ula gali lahaa Manchester City oo iyadu sanadkii hore si weyn ugu baashaashay Premier League.