Tababare Jurgen Klopp Oo Si Toos Ah Loo Weydiiyay Arrimaha Jadon Sancho Oo La Sheegayo In Liverpool Ay Ku Dhawdahay Saxeexiisa & Jawaabta Uu Bixiyay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wax laga weydiiyay arrimaha da’yarka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho xilli ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdiisu ay tahay mida haatan hoggaanka u haysa loolanka loogu jiro.

Sancho ayaa wacdarro ku dhigay kooxda ree Germany tan iyo markii uu Manchester City kaga biiray sanadkii 2017 taas oo dhalisay in lala xidhiidhiyo kooxo waaweyn oo Yurub ah haba ugu horreeyaan kuwa Premier League.

Haatan Klopp oo wax laga weydiiyay arrimaha 19 sano jirkan ayaa sheegay inuu yahay ciyaartoy aad u fiican balse diiday inuu ka hadlo lacagta lagu qiimeeyo ee ah 100-ka Milyan.

Mar la weydiiyay haddii ay jiraan wax uu ka odhan lahaa wararka xanta ah ee la xidhiidhinaya Sancho, Klopp ayaa ku jawaabay “Maya, Isagu waa ciyaartoy aad u wanaagsan”.

Sidoo kale Klopp oo qiimaha 100-ka Milyan ah ee Sancho ka warramaya ayaa yidhi “Kaasi waa qoddob, Waa qoddob 100% ah, Laakiin ma jiro wax aan ka idhaahdaa, Waan ogahay siday u muuqato laakiin ma bedeli karo”.

Klopp ayaa dhawaanahan kooxdiisa Liverpool ka fogaynayay wararka xanta ah ee la xidhiidhinaya xiddigo badan tusaale ahaan Kylian Mbappe oo dhawaan la sheegay inay kula tartamayaan saxeexiisa Real Madrid.

Advertisements

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaan suuqii xagaagii dhawaa suuqa uga adeeganin qaabkii ay jamaahiirteedu filayeen waxaana suurogal ah inay lacago badan la galaan suuqyada January ama xagaaga dambe.

Advertisements