Tababare Jurgen Klopp Oo Jamaahiirta Kooxdiisa Liverpool Uga Warramay Sida Ay U Doonayeen Da’yarka Cajiibka Ah Ee Jadon Sancho & Sidii Ay Man City Ugu Diiday.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warramay sida ay kooxdiisu u doonaysay saxeexa da’yarka Jadon Sancho ee wakhtigii uu joogay Manchester City iyo sidii ay kooxda Pep Guardiola rabitaankooda u diiday.

Sancho ayaa City ka baxay xagaagii 2017 isaga oo ku biiray Borussia Dortmund oo uu kusoo baxay isla markaana u kusoo sameeyay toddoba gool iyo sagaal gool caawimo xilli ciyaareedkan isaga oo hibadiisa ka midho dhalinaya.

18 jirkan ayaa dhammaadka sanadkii 2018 ku guuleystay inuu xulka England matalo waxaana uu u muuqdaa mid xejisan kara booskiisa ka qayb ahaanshaha xulka sababtoo ah hibada uu muujinayo waayihii ugu horreeyay ee xirfadiisa.

Haddaba, Tababare Klopp ayaa sheegay inay arkoodeen hibada Sancho wakhtigiisii Manchester City balse ay saxeexiisa u waayen sababta ah in kooxaha ree England aysan waxba kala iibsan inta ugu badan.

Jurgen ayaa yidhi “Soo iibshashada ciyaartoy ree England ahi waa fikrad wanaagsan laakiin anagu waligayo maanu helin fursada aau kula soo saxeexano Sancho”

“Anagu ma indho li’in, Waanu aragnay isaga (Sancho), Waanu ka helnay isaga waxaananu ka fikirnay ‘Ma heli karnaa isaga?”

“Maya, Sababtoo ah kooxaha England waxba kama iibiyaan kooxaha kale ee England, Anigu xaqiiqdii ma garanayo waxa ay sababteedu tahay, Laakiin iyagu sidaas ma sameeyaan”

 

1 Comment

  1. BEENTII WEEYE WAY KALA GATAAN KOOXAHA ENGLAND.
    XAGAY KA YIMAADEEN XIDIGAHA U CIYAARA ISAGA LFC AKADEEMIYADEDU WAABA MADHALAYSE
    QUDHIISU SAWKII SADIO MANE IYO VIRGIL KASOO GATAY SOUTHAMTON
    -RAHEEM STERLING FROM LIVERPOOL
    -MILNER FROM MAN CITY
    -ARNOLD FROM MAN CITY
    -HANDERSON – FROM SUNDERLAND
    MA WADAA DEE KLOP INTA U CIYAARTA MA JIRTO MIDH AY LIVERPOOL SOO SAARTAY WALIBANA 90% WAXAA LAGA SOO IIBIYEY KOOXO ENGLAND AH……

Comments are closed.