Tababare Jurgen Klopp Oo Daaha Ka Qaaday Qorshihiisa Suuqa Kala Iibsiga Ee Gudaha Xilli Suuqan & Jamaahiirta Reds Oo Ay Farxad U Tahay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa daaha ka qaaday qorshihiisa suuqa kala iibsiga ee inta lagu gudo jiro xilli suuqan kala badhka maraya, Hadalka kasoo yeedhay Jurgen ee uu kaga warbixinayo waxa uu ka hiigsanayo suuqa kala iibsiga ayaa ah mid ay farxad weyn u ah jamaahiirta Reds.

Reds ayaa ilaa haatan suuqa kala iibsiga ee xilli suuqan lasoo saxiixatay xiddigii hore ee AS Monaco ee Fabinho oo Anfield ku yimid aduun dhan  £43.7million halka ay kooxdu sidoo kale soo dhawaysay Naby Keita oo hore uga tirsanaa kooxda RB Leipzig kaas oo isaguna kooxda ku yimid kharash dhan £52.75m, Laakiin isku daygii Klopp ee ahaa inuu kooxda kusoo daro goolhaye cusub ayaa u muuqda mid uu dib udhac ku yimid kaddib markii bartilmaameedkii tababaraha ree Germany ee Jan Oblak iyo Alisson Becker ay noqdeen kuwo qiimaha lagu helayaa ay xad dhaaf tahay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu ugu horaynba ku faraxsanyahay xiddigaha uu haatan ku haysto kooxdiisa balse aysan joojin doonin ka fikirka suuqa kala iibsiga ilaa maalinta ugu dambaysa ee uu suuqu xidhmi doono waxaana uu tababaruhu hadalkiisa ku bilaabay “Haa waan ku faraxsanahay ciyaartoyda aan haysto shaqaduna waa mid markasta socota taasi waa sida ay tahay maxaynu u joojinaynaa ilaa uu suuqu ka xidhmayo”

“Waxkasta way fiican yihiin wakhti xaadirkan aynu aragno waxa dhaca, Haddii dhammaan ciyaartoydu ay  kasoo laabtaan koobka aduunka iyagoo caafimaad qaba markaa kaddib waxaynu haysanaa koox xaqiiqdii aad u fiican taasina waa waxa kaliya een u baahanahay inaan ogaado, Waxa ka dhacaya geeska kale waynu arki doonaa laakiin ma joojin doono ka fikirka suuqa ilaa maalinta ugu dambaysa”

Iyadoo ay kaliya mudo ku siman shan toddobaad ka hadhsan tahay in dib loo furo xilli ciyaareedka cusub ee 2018-2019 ayaa haddii uu Klopp go’aan ku gaadho inuu kooxda markale kusoo daro wajiyo cusub waxa uu dib ugu laaban karaa saxiixa kabtanka Lyon ee Nabil Fekir kaas oo ay Reds mar qarka u fuushay saxiixiisa sidoo kale garabka kooxda Stoke City ee Xherdan Shaqiri ayaa ah dookh kale oo u furan tababaraha ree Germany.