Tababare Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Alexis Sanchez Uu Doonayo Inuu Iskaga Baxo Manchester United.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wax ku saabsan wararka xiddiga kooxdiisa ee Alexis Sanchez la xidhiidhinaya bixitaan iyo inuu kooxda iskaga hayaami doono.

Sanchez ayaa suuqii January ee sanadkan kusoo biiray Man United isaga oo heshiis is weydaarsi kaga yimid dhinaca kooxda Arsenal balse waxa uu gabi ahaanba ku fashilmay inuu bandhigyadii lagu yaqaanay kala soo muuqdo Old Trafford.

Sanchez doesn't want out of United

Warar badan ayaa sheegaya in Sanchez uu iskaga hayaami doono kooxda marka uu dib u furmo suuqu bisha January ee sanadka cusub balse Mourinho ayaa kalsooni weyn ka muujiyay in Alexis uu kooxda kusii negaan doono.

Special ayaa yidhi mar wax laga weydiiyay haddii Sanchez uu baxayo “Uma malaynayo sidaa sababtoo ah isagu waligiis iima sheegin inuu doonayo inuu baxo iyo inuusan ku faraxsanayn inuu joogo, Kaasi waa aniga, Taasi waa fikrad shaqsi ah oo ku xidhan aragtidayda”

Dhinaca kale Jose ayaa wax laga weydiiyay bandhigyada liita ee Sanchez waxaana uu sheegay in 29 jirkan ree Chile uu horumar samaynayo sida ay kooxduba u samaynayso.

“Wuu horumarayaa sida ay kooxduba u horumarayso, Marka uu ciyaarayo isagu waxa uu nasiiyaa shaqsiyadiisa, Rabitaankiisa ah inuu ciyaaro iyo wax soosaarkiisu miyay ka dhigaysaa mid sidan si ka fiican sameeya? Waxaan filayaa inaan dhammaanteen si ka fiican samayn karno”