Tababare Guardiola Oo Cadowgiisii Hore Ee Real Madrid Si Wayn Ugu Amaanay Heshiiska Eden Hazard.

Pep Guardiola oo hore Real Madrid ay si wayn ugu soo xifiltameen kooxda Barcelona ayaa si wayn ugu amaanay go’aanka ay kula wareegeen Eden Hazard. Guardiola ayaa go’aan qurux badan ku tilmaamay heshiiska Hazard ee Madrid.

Eden Hazard ayaa barri lagu soo bandhigi doonaa Santiago Bernabeu kadib markii ay Real Madrid ka soo bixisay lacag 100 milyan yuro ah iyada oo lacagtani gaadhi doona ilaa 130 milyan yuro.

Dhinaca kale Guardiola ayaa beeniyay wararkii maanta soo baxay ee sheegayay in uu fasax sanad ah kubbada cagta ka qaadan doono haddii uu xili ciyaareedka cusub ku guulaysato Champions league.

Guardiola ayaa sidoo kale u dayriyay kooxda Juventus ee lala xidhiidhinayay wuxuuna u sheegay in sida kaliya ee uu Man City kaga bixi karaa ay tahay in Etihad Stadium laga soo tuuro.

Guardiola Oo Madrid ku amaanaya heshiiska Eden Hazard ayaa yidhi: “Ciyaartoyga ay iyagu kala soo saxiixdeen Chelsea waa ciyaartoy aad, aad iyo aad u fiican. Waa saxiix layaableh”.

“Isagu waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee aan arkay, raaxo badan ayay ka heli doonaan iyagu daawashadiisa” ayuu Guardiol oo saxiixa Madrid ee Hazard ka sii hadalyay.

Ugu danbayn Guardiola oo Juventus u darayninaya ayaa yidhi: “Aniga laba sanadood ayaa heshiiskayga ka hadhsan, haddii ayna iyagu isoo tuurin aniga, waan sii joogi doonaa”.