Tababare Guardiola Oo Badalka Vincent Kompany Ka Dhiganaya Bartil-Maameedkii Waqtiga Dheer Ee Man United.

Man City ayaa ku dhawaaqday in kabtankooda Vincent Kompany uu kooxda ka baxayo wuxuuna hadda Guardiola isha ku hayaa difaacii uu badalkiisa ka dhigan lahaa.

Tababare Guardiola ayaa isha ku haya in uu Etihad Stadium keeno difaac dhexe oo Man United waqti dheer doonaysay si uu u noqdo badalka tooska ah ee Vincent Kompany.

Sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail, Guardiola ayaa bartilmaameedkiisa kowaad ka dhigtay in difaaca Leicester City ee Harry Maguire uu ka dhigto badalka Kompany.

Man United ayaa si wayn u doonaysay saxiixa Harry Maguire gaar ahaan markii uu koobkii aduunka ee Russia 2018 uu wacdaro ka soo dhigay iyada oo Mourinho uu doonayay in uu safkiisa ku soo xoojiyo.

Laakiin maamulka Man United ayaa ku fashilmay in ay Mourinho ka caawiyaan saxiixa Harry Maguire taas oo hadda sabab u noqon karta in uu Etihad Stadium kula midoobo Guardioola.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in Harry Maguire uu haddaba ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay ee Leicester City isaga oo doonaya in uu ka baxo King Power Stadium.

Markii Man City lala xidhiidhinayay difaaca Ajax ee De Ligt ayuu khabiirka Jermaine Jenas sheegay in haddii uu Man City ahaan lahaa uu isagu u dhaqaaqi lahaa Harry Maguire.

Jermaine Jenas ayaa waqtigaas Man City u sheegay: “Haddii aan ahaan lahaa Man City, waxaan u dhaqaaqi lahaa Harry Maguire oo aan ka dooran lahaa De Ligt”.

“Xaqiiqdii waxaan filayaa in shaqsi ahaan uu Harry Maguire yahay ciyaartoy ka fiican, anigu xaqiiqdii ma arko wax uu De Ligt qaban karo oo aanu Harry Maguire qaban karin” ayuu Jermaine Jenas hadalkiisa ku daray.

Harry Maguire ayuu Mourinho si wayn uga doonayay Man United
Harry Maguire ayay Man United doonaysay waqtigii Mourinho

Tababare Guardiola ayaa ah tababare si wayn u fahma ciyaartoyga hanaanka ciyaareed ee kooxdiisa ku haboon waxayna hadda u muuqataa in Man United uu ku garaaci doono saxiixa Harry Maguire.

Iyada oo hadda Man City u muuqata in ay quus ka joogto saxiixa kabtanka Ajax ee De Ligt, ayayay wararku sheegayaan in ay badalka Kompany ka dhigan doonaan difaaca dhexe ee kooxda Leicester City ee Maguire.