Tababare Diego Simeone Oo Si Dadban Ugu Digtay Real Madrid & Barcelona Xilli Uu Ka Hadlayay Aaladda Garsoorka Caawisa Ee VAR.

Inkastoo kulankii ay Atletico Madrid barbaraha gool la’aanta ah la gashay Real Valladolid aysan axsaan ka helin aaladda garsoorka caawisa ee VAR, hadana tababare Diego Simeone ayaa aaladaan u arka mid wanaagsan, isagoo sidoo kale si dadban u duray kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Macalinkaan xamaasadda badan ma jirin koox uu magaceeda soo qabsaday, balse wuxuu ka dhawaajiyay ka hor aaladda VAR iney jireen kooxo marka gurigooda la joogo aan rigoore laga dhigi, taasna ay hadda baab’isay VAR.

“Thomas wuxuu doonayay inuu taabto, ciyaariyahanka ayaana lug hordhigtay, balse runtu waxey tahay inaan si dhab ah u arkin arinta” ayuu yiri Simeone oo kadib barbarahii shalay ka hadlayay ficilkii sababay in Sandro loo dhigo rigoore.

“Wax dood ah kama qabo in VAR ay tahay aalad wax caawisa”

“Sida cad, waxaa jira waqti ay dhankaaga tahay aaladda iyo waqti aysan aheyn, balse hadda waxaa loo adeegsadaa garoomo aan wax rigoore ah laguugu dhigeynin”

“Hadda waxaan heysanaa VAR, waxaan heysanaa suuragalnimo aan ku fahano dhacdooyinka rigoorooyinka ah”