Tababare Arsene Wenger Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu Uga Dhawaaday Saxiixa Cristiano Ronaldo Iyo In Haddii Uu La Saxiixan Lahaa Uu Wax Ka Badali Lahaa Taariikhda Arsenal.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka faalooday sida uu qarka ugu fuulay inuu lasoo saxiixda weeraryahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo sanadkii 2003 markaas oo uu CR7 ka tirsanaa kooxda dalkiisa hooyo ee Sporting Lisbon, Wenger ayaa sidoo kale sheegay in Ronaldo uu saamayn ku yeelan lahaa taariikha Gunners isla markaana uu wax ka badali lahaa.

Weeraryahanka ree Portugal ayaa qarka u saarnaa inuu u wareego Gunners kahor inta uusan dooran Manchester United oo uu ugu dambayn ugu biiray heshiis dhan 13 milyan, Ronaldo ayaana mudo lix sano ah la qaatay Red Devils isagoo kula guulaystay siddeed koob.

Haddaba taabaraha ree France oo qayb ka ahaa barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah ayaa ay taagerayasha kooxdiisu ku waydiiyeen ciyaartoyga uu jeclaan lahaa inuu lasoo saxiixdo wuxuuna ku jawaabay sida tan “Waxaan ku dhawaaday inaan lasoo saxiixdo Cristiano Ronaldo waxaanan filayaa in taasi ay badali lahayd taariikhda kooxda kubadda cagta Arsenal”

“Sheekada Ronaldo waxay ahayd mid aad iyo aad u dhaw”

Dhinaca kale tababarahan halyeeyga ah ayaa sidoo kale ka sheekeeyay in ay Barcelona waydiisteen saxiixyada Gerard Pique iyo Lionel Messi kaddib markii ay kala soo wareegeen Cesc Fabregas sanadkii 2003.

Wenger ayaana yidhi “Sidoo kale Messi, Maxaa yeelay waanu xiisaynaynay”

“Markii Fabregas yimid halkan waxaan Barcelona waydiisanay Gerard Pique iyo Lionel Messi laakiin taasi may shaqayn”