Tababaraha Xulka Qaranka France Ee Didier Deschamps Oo Waqti Kama Danbays Ah U Qabtay Antoine Griezmann, Nabil Fekir Iyo Thomas Lemar Si Mustaqbalkooda Loo Xaliyo.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa u muuqda mid ka daalay wararka suuqa kala iibsiga ee xidiga kooxda qarankiisa la xidhiidhinaya kooxo kale oo si wayn u doonaya, wuxuuna Didier Deschamps doonayaa in ka hor inta aanu bilaamin koobka aduuna ee June 14, in mustaqbalkooda la xalyo.

Didier Deschamps ayaan doonayn in xidigaha xulka qarankiisu ay ku mashquulaan ka fikirada mustaqbalkooda waxaana xidigaha uu digniinta u jeediyay ka mid ah Antoine Griezmann, Nebil Fekir iyo Thomas Lemar oo dhamaantood si wayn suuqa loogu hadal hayo.

Antoine Griezmann ayaa la filayaa in uu Barcelona ku biiri doono laakiin Deschamps ayaa doonaya in ka hor June 14 mustaqbalkiisa xal laga gaadho halka Nabil Fekir oo haddaba tijaabada caafimaadka Liverpool maray uu doonayo in uu dareenkiisa ka soo jeediyo mustaqbalkiisa.

Thomas Lemar ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxo waa wayn oo Yurub ah iyada oo la sheegay in Real Madrid uu ku biirayay intii aanu Zidane shaqada ka tagin, balse Didier Deschamps ayaa xidigahan ka dalbaday in bilawga koobka aduunka ee maalmuhu ka hadheen ka hor mustaqbalkooda la xaliyo.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps oo qandaraaskiisa cusboonaysiiyay ayaa doonaya in uu Russia ula duulo koox degan oo maskaxdeedu koobka aduunka oo kaliya ka fikirayso halkii ay ku mashquuli lahaayeen suuqa kala iibsiga iyo kooxaha ay u wareegayaan.

Didier Deschamps ayaan doonayn in xulka qarankiisa ay dhibaato ka soo gaadho arimo ka baxsan iyaga dhexdooda  wuxuuna doonayaa in xidigaha uu mustaqbalkooda mugdigu ku jiraa ay go’aan hore u gaadhaan si mustaqbalkooda loo xaliyo.

Barcelona ayaa doonays in July 1 ay bixiso lacagta 100 milyan euros ah ee lagu burburin karo heshiiska Griezmann laakiin waxa Didier Deschamps doonayaa in marka hore uu isagu go’aan gaadho si mustaqbalkiisa loo xaliyo.

Waxay hadda u muuqataa in macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps uu cadaadis saarayo xidigaha xulka qarankiisa ee mustaqbalkooda ay hubanti la’aantu ka jirto si maalmaha soo socda go’aan looga gaadho.