Tababaraha Xulka Croatia Ee Zlatco Dalic Oo Ka Hadlay Guushii Ay Ka Gaadheen Xulka England iyo Kulanka Final-ka Koobka Aduunka Ay Kula Balansanyihiin Dhigooda France.

Tababaraha xulka Croatia ee Zlatco Dalic ayaa ka hadlay guushii weyneyd ee taariikhiga ahayd ee ay xalay ka gaadhen xulka England ciyaar ka tirsanayd Semi Final-ka tartanka koobka aduunka, Ciyaartaas ayaa xulka Croatia u ahayd guushoodii ugu weyneyd abid maadaama oo aysan waligood hore Final uga gaadhin tartankan.

Tababare Dalic ayaa ugu horrayn ku faanay in xulkiisu uu ku fiicnaa dhinac kasta oo ciyaarta ah isaga oo sheegay inay u ciyaareen si ka fiican sidii kulankii Argentina ee heerka Group-yada waxaana uu ugu horraynba yidhi “Waxaan ahayd kooxda fiican dhammaan dhinacyada kulanka, Waxaan u ciyaarnay si ka fiican sidii aan ula ciyaarnay Argentina, Waxaan u sheegay ciyaartoyda ciyaarta kahor inuusan jirin wax cadaadis ahi Waxaan soo gaadhnay Semi Final-ka ku raaxaysta kubadda taasina waa waxa aan dhab ahaantii qabanay”

Dhinaca kale 51 jirkani waxa uu ka hadlay kulanka France ay ku balansan yihiin Final-ka tartankan isaga oo sheegay in haddii ciyaartaasi ay Final gaadho ay ku adkaan doonto iyaga maadama oo xulka France uu haystay hal maalin oo dheeri ah si ay uga soo kabtaan daalka waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Waan u diyaar garawnay inaan Final-ka gaadhno waxaanan doonaynaa inaan ciyaarno, Inaan aadno wakhti dheeri ah malaha waxay noqon doonta dhib iyadoo xulka France uu haystay maalin dheeri ah oo uu kusoo kabto, Laakiin ma jiri doonaan wax cudur daar ahi, Waa inaan u ciyaarnaa sidii oo kulankani uu yahay midkii ugu horeeyay ee tartanka”

Waxa xaqiiqo ah in daalka uu uga cabsi qabo tababare Dalic xiddigihiisa uu yahay wax jira maadaama oo xulkiisu uu 120 daqiiqo soo ciyaaray dhammaan kulamadii bug baxa ee ay soo ciyaareen ilaa haatan halka xulka Farnce uusan kulan kaliya wakhti dheeri ah u baahan.

Ugu dambayn, Tababare Zlatco Dalic oo 51 jir ah ayaa isku dayi doona inuu baal dahab ah ka galo taariikhda xulkiisa isaga oo isku dayi doona inuu koobka aduunka markii ugu horaysay geeyo Croatia, Dhinaca kale France iyo xulkooda da’yarta u badan waxa ka go’an inay hantaan tartankan 20 sano kaddib markii ugu horaysay iyaga oo sidoo kale isku dayi doona inay isaga maydhaan ceebtii Euro 2016 oo ay Final-ka guuldaro kala kulmeen dhigooda Portugal iyagoo Paris ku ciyaaraya.