Tababaraha Waddanka Martigelinaya Koobka Adduunka Ee Russia Oo Soo Saaray Liiska 23-ka Ciyaartoy Ee Uu U Metelaya Tartanka

Xulka qaranka waddanka Martigelinaya Koobka Adduunka ee Ruushka ayaa la shaaciyey, waxaana uu ka kooban yahay xiddigo aanay dadka Soomaalidu aqoon fiican u lahayn.

Tababaraha xulka qaranka Ruushka Stanislav Cherchesov ayaa ku dhowaaqay liiska rasmiga ah ee 23-ka ciyaartoy ee uu u xushay inay waddankiisa u metelaan koobka Adduunka, isla markaana ay sharaf uga soo hooyaan.

23-ka ciyaartoy ayaa intooda badan ka ciyaara gudaha waddanka Ruushka, hse yeeshee waxa ku jira dhawr ciyaartoy oo ka kala ciyaara dalalka bariga Yurub iyo Turkiga.

Liiska xulka qaranka Ruushka oo dhamaystiran waa sidan:

Goolka: Igor Akinfeev (CSKA Moscow), Vladimir Gabulov (Club Brugge), Soslan Dzhanaev (Rubin Kazan), Andrey Lunev (Zenit St Petersburg).

Difaaca: Vladimir Granat, Ruslan Kambolov, Fedor Kudryashov (waxay u ciyaaraan Rubin Kazan), Ilya Kutepov (Spartak Moscow), Roman Neustadter (Fenerbahce), Konstantin Rausch (Dynamo Moscow), Andrey Semenov (Akhmat Grozny), Igor Smolnikov (Zenit St Petersburg), Mario Fernandes (CSKA Moscow).

Midfielders: Yuri Gazinskiy (Krasnodar), Alexsandr Golovin, Alan Dzagoev (labaduba waxay u ciyaaraan CSKA Moscow), Aleksandr Erokhin, Yuri Zhirkov, Daler Kuzyaev (Waxay u ciyaaraan Zenit St Petersburg), Roman Zobnin, Alexsandr Samedov (Labaduba waxay u ciyaaraan Spartak Moscow), Anton Miranchuk (Lokomotiv Moscow), Aleksandr Tashaev (Dynamo Moscow), Denis Cheryshev (Villarreal).

Forwards: Artem Dzyuba (Arsenal Tula), Aleksey Miranchuk (Lokomotiv Moscow), Fedor Smolov (Krasnodar), Fedor Chalov (CSKA Moscow).