Tababaraha Manchester City Ee Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Waqtiga Ay Ugu Fiicneed Kooxda Real Madrid Taariikhda Tan Iyo Markii La Aasaasay.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa daaha ka rogay xiliga ay ugu qaab ciyaareed fiicneed kooxda Real Madrid tan iyo markii la aasaasay, macalinka Sky Blues ayaana tilmaamay in sababta uu ula dhacay qaab ciyaareedkooda waqtigaas ay tahay sida ay kooxda u ciyaareysay.

Guardiola ayaa sharaxay in kooxda ugu fiicneed ee soo martay taariikhda Real Madrid tan iyo markii la aasaasay  kooxda loogu magac daray Spain “La Quinta del Buitre” sababa la xidhiidha in 5 ka mid ay ka yimaadeen Castilla waqtigii sideetameeyadii, si loogu jees jeeso tayada ciyaareed kooxda cajiibka ahayd uu hogaaminayay Emilio Butragueño.

Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola oo arintan ka hadalyay ayaa wuxu yidhi: “Madrid La Quinta del Buitre, waxay mudan tahay xushmad dhameystiran, waana kooxdii ugu fiicneed ee aan arkay taariikhda Real Madrid”.

Pep Guardiola ayaa hadalkiisa intaas kusii daray: “Waan ku faraxsanahay inaan arko iyaga oo ciyaaraya, laakiin Johan Cruyff had iyo jeer wuxuu inoo sheegi jiray inaan ka fiicneyn iyaga”.

Si kastaba Pep Guardiola ayaa aaminsan in kooxda Real Madrid ee “La Quinta del Buitre”  inay ka mid tahay kooxaha ugu fiican taariikhda kubaca cagta aduunka, sababa la xidhiidha qaab ciyaareedka weyn ee ay sameeyeen, inkastoo aysan kusoo guuleysan tartanka Champions League.