Tababaraha Leicester City Claude Puel Oo Si Jees Jees Ah Kaga Hadlay Xiisaha Ay Ka Muujineyso Manchester United Saxiixa Difaaca Reer England Ee Harry Maguire.

Tababaraha kooxda Leicester City Claude Puel ayaa ku jees jeesay Manchester United kadib xiisaheeda ku aadan saxiixa difaaca reer England Harry Maguire, isagoo sheegay inuu kaliya u dhaqaaqi doonin Red Devils laba saacadood ee ah marka labada kooxood ay ku kulmayaan kulanka daah furka horyaalka Premier League.

Difaaca xulka qaranka England Harry Maguire ayaa lala xidhiidhinayay xiliyadii lasoo dhaafay kooxda Manchester United, sidoo kale magacyada Jerome Boateng, Yerry Mina  iyo Diego Godin ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayay Red Devils.

Hadaba Tababaraha kooxda Leicester City ee Claude Puel ayaa wareysi uu bixiyay kahor kulanka habeen dambe ee daah furka horyaalka Premier League ay ku wada ciyaari doonaan Manchester United wuxuu qaab maad ah kaga hadlay xiisaha ay Red Devils ka muujinayaan difaaca kooxdiisa Harry Maguire.

Claude Puel ayaa yiri ugu horeyn: “Waan hubaa in Harry Maguire uu aadi doono Manchester United, laakiin kaliya waa saacadaha yar uu nala joogi doono inta kulanka uu socdo, waxaan ku faraxsanahay in uu nagula sii sugnaan doono kooxda Leicester City”.

Tababaraha kooxda Leicester City  ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxaan luminay Riyad Mahrez, wuxuu inoo lahaa qiimo aad u weyn, lakiin waa muhim inaan mar walba heysano ciyaartoyda ugu fiican kooxda, si aan u gaarno ujeedooyin keena, waxaan la hadalnay Harry Maguire, mana bixi doono ka hor inta uusan dhammaanin suuqa xagaaga”.

Si kastaba maamulka kooxda Leicester City   ayaa waxay ogolaadeen suuqan xagaaga in laacibka Riyad Mahrez uu u dhaqaaqo safka Manchester City, sababa la xidhiidha rabitaanka laacibka oo si xoogan u doonayay inuu Sky Blues kala shaqeeyo macalinka reer Spain ee Pep Guardiola.