Tababaraha Kooxda Manchester United Ee Jose Mourinho Oo Ka Warbixiyay Qorshihiisa Kaga Aadan Suuqa Kala Iibsiga Ee Soo Aadan.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan sameyn doonin heshiis qaali ah suuqa kala iibsiga ee soo aadan, isagoo sheegay inuu kaliya isku dayi doono inuu xoojiyo qaar ka mid ah meelaha ay Red Devils u baahan tahay in laga xoojiyo.

Manchester United ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahano fara badan, oo ay ku jiraan Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo oo Real Madrid ka tirsan, waxaana jira warar sheegaya inay suurtagal tahay in Red Devils ay qeyb kasoo noqoto raacdada loogu jiro xidiga kooxda Paris St Germaine e Neymar Jr.

Laakiin Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray heshiisyadan ay in badan ka hadashay saxaafada, waxaana uu carabka ku adkeeyay in qarashaadka ay ku bixin doonaan suuqa kala iibsiga soo aadan uu noqon doono mid macquul ah ee xadidan.

Mourinho ayaa sheegy: “Ma bixin doono wax ka badan inta aan ku qarashgareyn lahaa, mana qaban doono shaqo waali ah, waxaan isku dayi doonaa inaan wax wanaajino”

Macalinka reer Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Anaga kaliya ma nihin cida isku dayi doonta in ay wax wanaajiso, qof waliba ayaa isku dayi doonta in sidaas ay sameyso, xilli ciyaareedkii hore waxaan ku dhameysanay horyaalka kaalinta lixaad, xili ciyaareedkan waxaan rajeeneynaa inaan kaga dhameysano booska labaad, xili ciyaareedka soo aadan waxaan sameyn doonaa horumar fiican”.

Jose ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Si aan u aragno waxa dhacaya, waxaa suuragal ah in markale Manchester City ay maalgashi sameyso, loomana ogola in kooxaha kale ay cidhiidhi sameeyaan, laakiin arinta kuma xidhna Manchester United, waxaa jirta lix kooxood kale ee ku tartameysa horyaalka”.