Tababaraha Kooxda Chelsea Oo Niyad Jab Weyn Ku Riday Jamaahiirta Kooxdiisa Ee Rajada Weyn Ka Qabay Inay Manchester City & Liverpool Horyaalka Kaga Guuleysan Karaan.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa kaddib kulankii ay xalay kooxdiisa Chelsea bar-bar dhaca la gashay dhigeeda Liverpool bixiyay wareysi qalbi jab ku riday dhammaan jamaahiirta kooxdiisa ee rajada weyn ka qabay inay xilli ciyaareedkan hanan karaan Premier League.

Chelsea ayaa ah kooxda kaliya ee ka soo jeeda England ee tartamada oo dhan guuldaro la’aan ah iyaga oo guulo gaadhay tartamada Carabao Cup iyo Europe League halka ay kaalinta saddexaad ka fadhiyaan miiska kala sarreynta horyaalka.

Hadalka uu 59 jirkani sheegay ee dhaawacay qalbiga taageerayasha Blues ayaa ah inuu sheegay inay adkaan doonto ku dhammaysiga labada kaalmood ee u sarreeya isaga oo dhinaca kale qirtay in Liverpool iyo City ay talaabo ka horreeyaan kooxdiisa.

Waxaana uu yidhi “In lagu dhammaysto labada u sarreeya sida aad ogtihiin aniga ahaan wax adag ayey iila muuqataa, Waxaan filayaa in City iyo Liverpool ay talaabo naga horreeyaan anaga, Aad ayay u adagtahay laakiin waxaan filayaa inaan u dagaalami doono si aan Champions League u galno”

“Halkan (Premier League) way adagtahay in la galo afarta u horreeya, Waxa jira lix ilaa toddoba kooxood oo heer sarre ah kuwaas oo ah kuwa ugu fiican Yurub maaha kaliya England, Maaha wax fudud in Champions League la galo”

Ugu dambayn, Kooxda Chelsea oo hore loogu arkayay koox sahlan oo aan loolan la geli karin kooxaha Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ayaa haatan u muuqata mid tijaabo adag marin karta kooxahaas.