Home » Wararka Maanta » Tababaraha Kooxda Barcelona Luis Enrique: “Ma Garan Karo Waxaan Ka Ahayn Heshiis Kor Dhinta Lionel Messi”

Tababaraha Kooxda Barcelona Luis Enrique: “Ma Garan Karo Waxaan Ka Ahayn Heshiis Kor Dhinta Lionel Messi”




Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa wuxuu Amaan xoogan kala dul dhacay xidiga reer Argantina ee Lionel Messi kadib guushii weyneed uu gaarsiiyay kooxdiisa kulankii xalay ee wareega 16-ka kooxood ee Copa del Rey oo ay la ciyaareen Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa lugtii hore ee kulankan lasoo kulantay guuldaro 2-1 ay ku soo garaacday Athletic Bilbao, kahor inta aysan ku jawaab celin habeenkii xalay goolal dhan 3-1, sidaana ay ugu soo baxeen wareega xiga ee quarter-final-ka.




Luis Enrique ayaa kadib marka uu soo idlaaday kulankii xalay ay la yeesheen Athletic Bilbao sheegay in kulanka uu ahaa mid aad u xiiso badan, isla markaana ay ahayd in kol horeba ay xaqiijiyaan u soo gudbida wareega 8 dhamaadka  Copa del Rey.

Dhinaca kale macalinka reer Spain ayaa sheegay in Lionel Messi uusan ka tagi doonin kooxda Barcelona, wuxuuna sidoo kale ku dooday in barcelona aysan hili doonin  badalka Messi hadii ay dhacdo in si fudud uu kaga baxo garoonka Nou Cump.

Luis Enrique oo ka hadlayay arimahaas wuxuu yiri: “Waxa kaliya ee aan ka war qabo ayaa waxay tahay in Lionel Messi ay waajib ku tahay inuu ku sii nagaado garoonka Nou Cump, sababtoo ah ma jirto xidig la mid ah ama buuxin kara booska uu ka baxo”.

 








Comments

comments

Abdulkadir Dajiye
Abdulkadir Dajiye