Tababaraha Kooxda Barcelona Ernesto Valverde Oo Fariin Ku Aadan Lionel Messi U Diray Jamaahiirta Xulka Qaranka Argantina.

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa sheegay in kabtanka xulka qaranka Argentina Lionel Messi ay xaaladiisa jidheed aad u fiican tahay, isagoo dhinaca kale carabka ku adkeeyay in aan loo baahneen xiligan in jamaahiirta xulka Argantina ay ka walwalaan arintan.

Ernesto Valverde oo la hadlayay jamaahiirya xulka qaranka Argentina ayaa wuxuu yidhi: “Wali waxaa jira wakhti fiican ka hor Koobka Aduunka 2018 ka dhici doono dalka Russia”.

Macalinka reer Spain ayaa waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay in ay suuragal noqon karto in Lionel Messi uu heli karo nasiino kulanka ay caawa ku booqan doonaan  Celta de Vigo horyaalka La Liga, wuxuuna Valverde sheegay in arintan horey loo soo bandhigay inkastoo Messi jidh ahaan uu aad u wanaagsan yahay.

Ernesto ayaa shirkiisa jaraa’id kahor kulan Celta de Vigo shaaca kaga qaaday: “Messi wuxuu si fiican u ciyaaray maalmo yar ka hor kulankii Valencia, taageerayaasha Argentina waa inay is dajiyaan, weli wakhti dheer ayaa ka harsan Koobka Aduunka”.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Wali lama shaacinin, mana garanayo waxa dhici doona, laakiin kooxda horey ayay usii socon doontaa, sida horey u dhacdayba, dhowr kulan”.

Si kastaba Andres Iniesta ayaa laga sugayaa go’aankiisa kaga aadan inuu ka dhaqaaqayo kooxda Barcelona si uu ugu biiro horyaalka dalka Shiinaha ama uu sii joogo garoonka Cump Nou xili ciyaareed kale, kadib marka uu soo idlaado kulanka finalka Copa del Rey ay Sabtida kooxda Sevilla kuwada ciyaari doonaan garoonka Wanda Metropolitano.