Tababaraha Khabib Ee Ali Abdelaziz Oo Conor McGregor Ku Sifeeyay Jiir Ama Dooli Argagixiso Ah Oo Markiisa Ka Hadlay Guushii Khabib.

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa caalamka si wayn looga hadlayay dagaalkii colaada wayni ka muuqatay ee dhex maray feedhyahanka muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov uu sida xun ugu badilay  Conor McGregor kaas oo aflagaado u gaystay diinta Islaamka iyo waliba tababaraha Khabib ee Ali Abdelaziz.

Tababaraha Khabib ee Ali Abdelaziz ayaa markiisa ka hadlay sidii uu u dhacay dagaalkii UFC 229 ee uu Khabib guusha layaabka leh ku gaadhay wuxuuna xaqiijiyay in aanu Khabib dagaal ku celis ah la gali doonin Conor McGregor taas oo sii xaqiijin karta in Khabib uu kulan adag la qaato Myweather oo aqbalay tartankii Khabib.

Laakiin tababare Ali Abdelaziz ayaa ku dooday in Khabib uu wareegii kowaad ama labaad uu ku khaarajin karayay Conor McGregor laakiin waxa uu sheegay in Khabib uu doonayay in uu ciqaab mariyo Conor McGregor si aanu dagaalku uga dhamaan.

Dhinaca kale tababaraha Khabib ee Ali Abdelaziz oo aflagaado xun kala kulmay McGregor ayaa tilmaamay sida ay ugu raaxaysteen ciqaabtii uu Khabib mariyay ninkan kaas oo Ali Abdelaziz ku sifeeyay “Jiir ama Dooli Argagixiso ah ” ka hor intii loo diyaar garoobayay dagaalkii UFC 229.

Haddaba tababaraha Khabib ee Ali Abdelaziz oo dagaalkii Khabib iyo McGregor ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaa waajib kugu ah in aad fahanto in Khabib uu wiilkan qaatay. Khabib waxa uu dhamaystiri karayay wareegii kowaad, laabad ama wareegii saddexaad. Waxa uu isaga ugu dhamaystiray wareegii afraad”.

Khabib tababarihiisa Ali Abdelaziz oo sababta aanu dagaalka ugu dhamayn wareegii kowaad, labaad ama saddexaad ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxa uu isaga u sitay in uu ciqaabo, Conor waxa uu ahaa cadow, cadow dhab ah ayuu ahaa, dhamaantayo cadow ayuu noo ahaa. Marka aad cadowga ka guulaysato waa in aad ka socoto gaar ahaan marka uu cadowgu isdhiibo”.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Khabib ee Ali Abdelaziz  iyo masuuliyiintooda ayaa hadda ka shaqaynaya dagaalka xidiga ee uu Khabib gali doono iyada oo Myweather uu yahay kan ugu xiisaha badan ee la sugayo in uu suurtogal noqdo.

 

1 Comment

Comments are closed.