Tababaraha Bayern Munich Ee Niko Kovac Oo Ka Hadlay Waxa Ay Isku Af-Garteen Robert Lewandowski Kaddib Kulankii Uu Toddobadkii Hore La Qaatay, Waa Sidee Rajadii Real Madrid Iyo Chelsea?

Tababaraha cusub ee kooxda Bayern Munich ee Niko Kovac ayaa markale ka hadlay mustaqbalka weeraryahanka kooxdiisa ee Robert Lewandowski, Hadalka tababarahan ayaa sidoo kale farriin u noqonaya kooxihii xiddigan diirada ku hayay oo ay ugu horreeyaan kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.

Lewandowski ayaa la fahamsan yahay inuu tan iyo xagaagii hore doonayay koox badalasho iyadoo xataa wakiilkiisu uu saxaafada u sheegay in xiddiga uu wakiilka ka yahay uu raadinayo inuu isbadal iyo loolan cusub ku sameeyo xirfadiisa kubadda cagta.

Haddaba tababare Kovac ayaa cadeeyay inuu wadahadalo la qaatay 29 jirkan isla markaana uu u sheegay inaysan isaga marnaba fasaxayn intaa kaddibna uu Robert aqbalay go’aankaas, Tababaraha oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yidhi “Waa run in Robert iyo anigu aan wadahadalo yeelanay toddobaadkii hore”

“Robert wuu ogyahay sida aan anigu uga fikiro isaga iyo waxa aan uga fikiro, Kooxda oo dhan ayaa og tayooyinka uu leeyahay, Hubaashii waxa uu kamid yahay saddexda weeraryahan ee ugu fiican booskiisa dunida oo dhan, Hubaashii isaga ma fasixi doono, Kaasi waa warka aan isaga u sheegay, Robert wuu aqbalay midaas aniguna waan ku raaxaystay xaqiiqdii”

Hadalkan kasoo yeedhay tababare Niko Kovac ayaa ah mid si weyn niyada uga dilaya kooxaha Chelsea iyo Real Madrid oo hore ugu loolamayay saxiixa xiddigan ree Poland, Madaxweynaha kooxda ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa sidoo kale hore u cadeeyay mawqifka ay kooxdu ka taagantahay xaalada Lewandowski kaddib markii uu shaaciyay inaysan xataa 150 Milyan ku fasixi doonin.

Robert Lewandowski ayaa tan iyo sanadkii 2014 ku sugnaa kooxda Bayern Munich kaddib markii uu si xor ah ugaga soo biiray kooxda Dortmund, Lewy ayaa mudadaas kooxda u dhaliyay 151 gool kaddib 195 kulan oo uu matalay.