WARBIXIN: UEFA Oo Soo Bandhigtay Xogta Natiijooyinkii Kulamadii Ay Wada Ciyaareen Afarta Kooxood Ee Iskugu Soo Hadhay Champions League Iyo Xogta Qaabkii Ay Hore Ugu Soo Dagaalameen.

Xidhiidhka kubbad cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta sameeyay isku aadka afar dhamaadka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League waxaana sidoo kale la shaaciyay taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono kulamada lugta kowaad iyo lugta labaad ee afar dhamaadka tartankan. Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah tartankan isku arkaya halka 16 sano kadib ay Liverpool iyo Roma UCL isku wajahayaan.

Kulamada lugta hore ee afar dhamaadka UEFA Champions League ayaa la ciyaari doonaa maalmaha talaadada iyo arbacada April 24 iyo April 25 iyada oo uu soo horayn doono kulanka Anfield ee Liverpool ay soo dhawayn doonto kooxda Roma halka kulanka lugta hore ee Allainz Arena la ciyaari doono April 25 markaas oo ay Bayern soo dhawayn doonto Real Madrid.

Halka kulamada sida rasmiga ah loogu soo baxayo finalka UEFA Champions League la ciyaari doono isla talaadada iyo arbacada May 1, May 2 markaas oo ay Real Madrid iyo Bayern Munich soo hormari doonaan halka Liverpool ay booqan doonto Stadio Olympico.

Haddaba markasta oo ay UEFA samayso isku aadka tartanka xiisaha badan ee Champions League waxaa qasab ah in dib loo eego xogta taariikhda kulamadii ay soo wada ciyaareen kooxaha laysku aadiyay si ka hor kulamadan ay jamaahiirta kubbada cagtu u ogaadaan qaabkii kooxahani u soo dagaalameen.

Haddaba shabakada Gool24.net oo aad uga barateen xog dhamaystiran iyo warbixino buuxa ayaa halkan idiinku soo diyaarisay taariikhda iyo xogta kulamadii soo dhex maray kooxaha laysku aadiyay ee UEFA Champions League ku sii dagaalami doona halkan ayaanad si faah faahsan ugaga bogan kartaa. Xogtan waxaa soo bandhigtay UEFA ka hor kulamada afar dhamaadka ee UCl.

Xogta Taariikhda Kulamadii Bayern Munich v Real Madrid:

Marka laga hadlayo kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich waxaa laga hadlayaa laba kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu taariikhda wayn UEFA Champions League inkasta oo heerka guulahooda koobabka tartankani uu si wayn u kala duwan yahay oo ay Madrid tahay boqorada Yurub ee koobkan.

Laakiin markale Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa ah kooxahaa taariikhda Champions League kulamada abid ugu badan ku soo wada ciyaaray waxaana la yaabi doontaa xog muujinaysa sida kulanka Allainz Arena iyo Bernbeu uu u noqon doono mid cajiib ah oo labadan kooxood kala saari doona.

Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa soo wada ciayaray 24 kulan oo tartanka kooxaha Yurub ah, mana jiraan kooxo kale oo abid kulamadan oo kale soo wada ciyaaray balse rekoodhkan ayaa gaadhi doona 26 kulan marka ay Allainz Arena iyo Santiago Bernabeu iskaga hor yimaadaan afar dhamaadka Champions League.

Laakiin waxa layaabka leh ayaa ah in Real Madrid ay 11 jeer soo garaacday Bayern Munich isla markaana ay Bayern Munich 11 jeer dhinac dhulka u soo dhigay Madrid halka 2 kulan ay barbaro ku soo dhamaadeen, waxayna arintani muujinaysaa sida ay u yihiin laba kooxood oo taariikh dheer isku leh.

Kooxda kulamada soo socda guulaysata ayaa taariikh ahaan gacanta sare ku yeelan doonta kulamadii ay Bayern iyo Madarid soo wada ciyaareen oo hadda si walba barbaro ugu ah 24 kii kulan ee ay hore u soo wada ciyaareen.

Haddaba akhriste waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikhdii ay kulamadan soo wada ciyaareen, natiijadii kulamadan ka soo baxday iyo waliba kooxda wareega xigay u soo baxday taas oo ah xog aad muhiim u ah in la sii ogaado halkan ayaanad ka sii akhrisan kartaa iyada oo si sahlan oo la fahmi karo aanu u soo koobnay.

1975/76 – Afar Dhamaadkii European Cupka
Real Madrid 1-1 Bayern
Bayern 2-0 Real Madrid
Bayern ayaa wadar 3-1 ah ku soo baxday

1986/87 –Afar Dhamaadkii European Cupka
Bayern 4-1 Real Madrid
Real Madrid 1-0 Bayern
Bayern ayaa wadar 4-2 ah ku soo baxday

1987/88 -Siddeed Dhamaadkii European Cupka
Bayern 3-2 Real Madrid
Real Madrid 2-0 Bayern
Real Madrid ayaa wadar 4-3 ah ku soo baxday

1999/2000 -Heerkii Groupyada UEFA Champions League
Real Madrid 2-4 Bayern
Bayern 4-1 Real Madrid

1999/2000 –Afar Dhamaadkii UEFA Champions League
Real Madrid 2-0 Bayern
Bayern 2-1 Real Madrid
Real Madrid ayaa wadar 3-2 ah ku soo baxday

2000/01 –Afar Dhamaadkii UEFA Champions League
Real Madrid 0-1 Bayern
Bayern 2-1 Real Madrid
Bayern ayaa wadar 3-1 ah ku soo baxday

2001/02 -Siddeed Dhamaadkii UEFA Champions League
Bayern 2-1 Real Madrid
Real Madrid 2-0 Bayern
Real Madrid ayaa wadar 3-2 ah ku soo baxday

2003/04 -Wareegii 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League
Bayern 1-1 Real Madrid
Real Madrid 1-0 Bayern
Real Madrid ayaa wadar 2-1 ah ku soo baxday

2006/07 -Wareegii 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League
Real Madrid 3-2 Bayern
Bayern 2-1 Real Madrid
Natiijada wadarta 4-4; Bayern ayaa sharciga goolasha martida ah ku soo baxday

2011/12 UEFA Champions League semi-finals
Bayern 2-1 Real Madrid
Real Madrid 2-1 Bayern waqtigii dheeriga ahaa
Natiijada wadarta 3-3; Bayern ayaa rekoodhayaal 3-1 ah ku soo baxday

2013/14 –Afar Dhamaadkii UEFA Champions League
Real Madrid 1-0 Bayern
Bayern 0-4 Real Madrid
Real Madrid ayaa wadar 5-0 ah ku soo baxday

2016/17 -Wareegii 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League
Bayern 1-2 Real Madrid
Real Madrid 4-2 Bayern waqtigii dheeriga ahaa
Real Madrid ayaa wadar 6-3 ah ku soo baxday.

Aan idinka idiin dhaafo tirada Bayern Munich ama Real madrid la reebay 22 kulan oo ay isku arkeen wareegyo la kala baxayay halka laba kulan ahaayeen heerka groupyada oo aan loo baanayn in lays reebo maadaama oo dhibco Groupka looga soo baxo.

 

Xogta Taariikhda Kulamadii Liverpool Vs Roma:

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa 5 kulan la ciyaartay AS Roma waxayna Reds soo guulaysatay 2 kulan halka Roma ay 1 kulan soo guulaysatay waxayna 2 kulan galeen barbaro. Liverpool iyo Roma ayaa kulamada taariikhdooda tartamada Yurub ka dhigi doona 7 kulan marka ay afar dhamaadka iskaga horyimaadaan.

Markii ugu danbaysay ee ay Liverpool iyo Roma wada ciyaareen kulan Champions League ah waxay ahayd March 2002 markaas oo ay Liverpool 2-0 ku garaacday kooxda horyaalka Talyaaniga isla markaana ay u soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions League.

Liverpool iyo Roma ayaa dib u celin doona xusuusta taariikh hore markaas oo ay finalka tartanka kooxaha Yurub isku arkaan waxaana markaas loo yaqaanay European Cup halka hadda loo yaqaan UEFA Champions league waxayna labada kooxood ku kala baxeen barbaro 1-1 ah laakiin Liverpool ayaa koobka ku qaaday rekoodhayaal 4-2 ah kulankii caasimada Rome ka dhacay xili ciyaareedkii 1983/84.

Aan soo qaadano kulankii ugu danbeeyay ee ay Roma iyo Liverpool iskaga horyimaadeen UEFA Champions League kas oo ahaa sanadkii 2002 waxaana guul 2-0 ah gaadhay Liverpool kadib markii ay labada gool u dhaliyeen Jari Litmanen iyo Emile Heskey laakiin shaxdii waqtigaas ee labada koxoood ayuuna jirin hal ciyaartoy oo hadda ka sii joogaa.

Halkan kaga bogo Xogta kulamadii ay hore u soo wada ciyaareen kooxaha Liverpool iyo Roma iyo qaabkii ay wareegyada xidiga ugu soo kala gudbeen iyada oo sida aan soo sheegnay uu ku jiro kulan final ahaa oo ay Liverpool koobkan ku soo guulaysatay.

1983/84 -Finalkii European Cupka ee Rome
Roma 1-1 Liverpool waqtigii dheeriga ahaa ( Liverpool ayyaa rekoodhayaal 4-2 ah koobka ku qaaday)

2000/01- Wareega Afraad UEFA Cup
Roma 0-2 Liverpool
Liverpool 0-1 Roma
Liverpool win 2-1 on aggregate

2001/02 Wareega 16ka Ee UEFA Champions League
Roma 0-0 Liverpool
Liverpool 2-0 Roma

Haddaba akhriste kooxahee xili ciyaareedkan iskugu soo bixi doona finalka

 

20 Comments

  1. Gool24 waa idin salaamay hal khalad ayaa jira
    sanadkii hada lasoo dhaafay bayer iyo real waxa ee isku arkeen quarter finalka
    ee 16 ka ma aheen meeshaas saxa mahadsanidiin.

Comments are closed.