TAARIIKH: Maxaad Ka Ogtahay Mucjisada Uu Tababare Herve Renard Ka Samaynayo Qaramada Afrika? Taariikh Iyo Wax Qabad Aan Hore Loo Arag Oo Loo Diwaan Galiyay.

Herve Renard waa tababare ka soo jeeda dalka France isla markaana hore macalin uga soo noqday kooxda horyaalka France ee Lille laakiin waxa uu ka samaynayo qaramada Afrika ayaa ah wax aan la rumaysan karin isaga oo sanadihii ugu danbeeyay soo qabtay shaqo ay adag tahay in si sahlan kagu gaadho. Herve Renard ayaa wacdaro layaableh ka soo sameeyay saddex xul qaran oo qaarada Afrika ah oo uu ugu danbeeyay shaqadii uu koobka aduunka ugu soo saaray xulka qaranka Morocco.

Aan ku horaynee, Herve Renard ayaa sanadkii 2012 kii si layaableh xulka qaranka Zambia waxa uu uga caawiyay in markii taariikhdooda ugu horaysay ay ku guulaystaan koobka qaramada Afrika. Waxay ahayd wax lama filaan ah in tababare Herve Renard  uu xulka qaranka Zambia uu koobka qaramada Afrika markii ugu horaysay u qaaday xili ayna markii hore ka mid ahayn wadamadii la filayay in ay xataa kaalmaha sare soo gali karaan.

Laakiin taas oo laga soo gudbinay waxaana la soo gaadhay sanadkii 2015 kii markaas oo uu tababare Herve Renard  ahaa macalinka xulka qaranka Ivory Coast laakiin markale tababaraha ree France ayaa sii watay saamaynta aan la rumaysan karin uu qaarada Afrika ku yeeshay wuxuuna xulka qaranka Ivory Coast ka caawiyay in ay markii ugu horaysay muddo 23 sano ah ay ku guulaystaan koobka qaramada Afrika.

Laakiin tababare Herve Renard  ayaa sii watay wacdarihiisa qaramada Afrika wuxuuna usbuucan awooday in xulka qaranka Morocco uu koobka aduunka u soo saaro kadib markii ay muddo 20 sano ah ka maqnaayeen, wuxuuna suurtogal ka dhigay in calanka dalka Morocco uu dib ugu soo laabto koobka aduunka.

Herve Renard  wuxuu haddaba u muuqdaa mid taariikh layaableh ka samaynaya qaarada Afrika oo uu haddaba ka yahay mid xusuus wayn ku leh dalalka Zambia iyo Ivory Coast oo uu koobka qaramada Afrika u soo qaaday laakiin sidoo kale Morocco ayaan ilaawi doonin qaabkii qiiradaha lahaa ee uu koobka aduunka ugu soo saaray kadib sanado tiro badan oo ay ka maqnaayeen.

Laakiin tababare Herve Renard  ayaa doonaya in xulka qaranka Morocco uu ka caawiyay sidii ay markale wacdaro ugu soo bandhigi lahaayeen koobka aduunka ee Russia ka furmi doona badhtamaha sanadka cusub ee fooda inagu soo haya.

Xaqiiqdii wax sahlan ma aha in tababare uu saddex xul qaran oo Afrika ah uu iskaga gudbo isla markaana uu guulo sidan u wayn kula gaadho waqti kooban isaga oo markii uu Herve Renard la wareegayay shaqada xulka qaranka  Morocco si wayn loola xidhiidhinayay in uu noqonayo macalinka kooxda AS Monaco.

Comments

comments