TAARIIKH: Lionel Messi Waligii Afar Sano Oo Xidhiidh Ma Noqon Champions League La’aan, Taariikhda Oo Barcelona Saadaal Wacan Ka Siinaysa UCL Xilli Ciyaareedkan.

Taariikhda uu Lionel Messi kulahaa Champions League mudadii uu ka ciyaarayay heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta ayaa ah mid saadaal qurxoon u muujinaysa kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa xaalad murugo leh ku jirta toddobaadyadii ugu dambeeyay kaddib markii ay ku fashilmeen inay gabi ahaanba wax natiijo ah oo quman ka helaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay waxaana ay iyaga oo xaaladaas dhexda kaga jira caawa marti u yihiin kooxda Tottenham.

Barca ayaa qaab cajiib ah ku bilaabatay Champions League xilli ciyaareedkan kaddib markii ay 4-0 ku suuldaareen PSV oo marti u ahayd kulankii furitaanka balse ciyaarta Spurs ee caawa ayaa tartankii ugu horreeyay iyo tijaabadii dhabta ahayd ee ugu horreysay ee la marin doono.

Haddaba, Taariikhda Champions League uu ku leeyahay kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ayaa ah mid qalbiga u dajineysa jamaahiirta kooxda ee sanadihii ugu dambeeyay arkayay kooxdooda oo ku fashilmeysa inay natiijo wacan ka keento UCL.

Lionel Messi waligiis afar sano oo xidhiidh ah ma bixin isagoo ku guuleysan Champions League!!, Afarta Champions League ee uu Messi hantay ayaa ah kuwo aysan u wada dhaxayn min afar sano maadaama oo uu kusoo kala guuleystay sanadihii 2006, 2009, 2011 iyo 2015.

Si kastaba ha ahaatee, Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedka kahor u balan qaaday jamaahiirta kooxdiisa inuu waxkasta u samayn doono sidii uu Camp Nou u keeni lahaa UCL xilli ciyaareedkan balan qaadkaas ayaana noqon doona mid la kala ogaado dhammaadka xilli ciyaareedka.