TAARIIKH: Kadib Goolkiisii Old Trafford, Kylian Mbappe Oo Si Layaableh Ku Barbareeyay Rekoodhkii Gool Dhalinta Ronaldo Nazario & Zinedine Zidane Ee Champions League.

Da’yarka aduunka ka soo yaabsaday ee Kylian Mbappe ayaa markale muujiyay in uu yahay mid aan noociisa oo kale hore loogu arag kubbada cagta kadib markii uu buuxiyay awoodii weerar ee PSG oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Neymar Jr iyo Edinson Cavani ee kulankii Manchester United.

Kylian Mbappe oo hore koobkii aduunka iyo horyaalka kubbada cagta layaab uga soo dhigay ayaa xalay loo diwaan galiyay taariikh wayn kadib markii uu gool boos qaadasho cajiib ah uu sameeyay uu United kaga dhaliyay Old Trafford.

Kylian Mbappe ayaa isaga oo 20 sano jir kaliya ah waxa uu soo barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta abid ee Champions League ay ka sameeyeen halyayadii xulalka qaranka France iyo Brazil ee Zinedine Zidane iyo Ronaldo Nazario.

Kylian Mbappe ayaa 24 kulan oo Champions League uu ka soo ciyaaray waxa uu ku soo dhalyay 14 gool wuxuuna sidaa ku soo qabtay halyaygii reer Brazil ee Kylian Mbappe kaas oo kooxaha Yurub ugu waa wayn ka soo ciyaaray isla markaana 40 kulan oo Champions league ah ku soo dhaliyay 14 gool.

Kylian Mbappe ayaa sidoo kale soo qabtay gool dhalintii uu halyaygii dalkiisa France ee Zinedine Zinedine kaas oo isna waayihiisii Champions League ka soo dhaliyay 14 gool laakiin in Mbappe uu haddaba dariiqa ku sii dhaafay Zidane iyo Ronaldo ayaa muujinaysa in uu heer kale ku socdo.

Laakiin Kylian Mbappe ayaa xidigo badan oo hadda kubbada cagta ka ciyaara ku dhaafay gool dhalinta Champions League waxaana ka mid ah Harry Kane (13 gool), Radamel Falcao, Alexis Sanchez iyo Roberto Firmino ( 12 gool),  Paulo Dybala (11 gool) iyo Eden Hazard oo ilaa hadda 8 gool oo kaliya ka soo dhaliyay Champions League.

Kylian Mbappe oo 20 sano jir kaliya ah ayaa tartamada kooxaha Yurub ee Champions league ku bilawday qaab duufaan ah wuxuuna hadda sugayaa in uu Paris uu ku helo Man United oo ay Old Trafford ku burburiyeen.

Kylian Mbappe ayaa sheegay in dadku ay joojiyaan cabsida isla markaana ay taageeri doonaan kooxda Lyon si ay sare ugu soo qaadaan kubbada cagta France laakiin Mbappe ayaa sheegay in uu cadhaysan yahay maadaama oo uu qasaariyay goolkii saddexaad ee uu De Gea kooxdiisa PSG ka badbaadiyay ee uu kubbada kula soo baxay goolka United.