TAARIIKH HORE: Sawiradii Cristiano Ronaldo Ee Santiago Bernabéu Oo Ay Real Madrid Meesha Ka Saartay Iyo Goobtii Uu Qolka Labiska Ku Lahaa Oo Badalkiisa Sugaysa.

Dhawr maalmood oo kaliya ayaa ka soo wareegay markii ay kooxaha Real Madrid iyo Juventus ay ku dhawaaqeen in Cristiano Ronaldo uu kooxda Juve uu ku biiray laakiin hadda Santiago Bernabeu waxa uu xidiga ree Portugal ka yahay taariikh hore iyo waqti fog oo la soo dhaafay.

Wargayska AS ee ayaa soo bandhigay in kooxda Real Madrid ay haddaba Bernabeu ka dajisay sawiradii Cristiano Ronaldo iyada oo waliba la soo bandhigay qaybtii uu ku lahaa qolka labiska kooxda kowaad ee Real Madrid waxaana warbixintan lagu sheegay in booskii Ronaldo ee sawiradiisii laga saaray sugayaan ciyaartoyga badali doona.

Crisitano Ronaldo ayaa qolka labiska Real Madrid ku lahaa boos u dhexeeyay Toni Kroos iyo Nacho laakiin hadda waxaa la soo bandhigay goobtii uu Ronaldo lahaa oo laga gooyay sawirkiisa isla markaana cadaan ah iyada oo la sugayo xidiga booska Ronaldo buuxin doona.

Cristiano Ronaldo ayaa isniinta lagu soo bandhigi doonaa garoonka kooxda Juventus isaga oo markii ugu horaysay saxaafada ka soo hor muuqdan doona tan iyo markii uu noqday ciyaartoy Juventus laakiin in isaga oo aan lagu soo bandhigin Juventus ayaa sawiradiisii laga nafiifiyay qolka labiska Madrid.

Real Madrid ayaa suuqa ugu jirta in ay la soo saxiixato xidigii u badali lahaa booskii Cristiano Ronaldo iyada oo lala xidhiidhinayo xidigo badan oo magac wayn leh laakiin ilaa hadda ma jiro horumar ay Los Blancos ka samaysay badalka Ronaldo.

Neymar Jr, Mbappe, Eden Hazard, Harry Kane iyo Lewandowski ayaa la filayaa in ay noqon karaan xidigaha ay maamulka Madrid diirada saari doonaan si ay u helaan badalka Ronaldo laakiin waxaa soo baxay warar sheegaya in Real Madrid ay iibin karto Gareth Bale iyo Karim Benzema iyada oo United wada xaajoodyo kula jirta Madrid oo ay ka doonayso saxiixa Bale.