TAARIIKH: Goolkii Taariikhda Premier League Abid Ugu Deg Dega Badnaa Oo Laga Dhaliyay Kulanka Southampton & Watford Iyo Xidigan Dhacdadan Sameeyay.

Kulanka kooxaha Southampton iyo Watford ayaa noqday mid abid lagu xusuusan doono taariikh laga sameeyay taas oo gashay dhacdooyinka cajiibka ah ee horyaalka Premier league. Kulanan ayaa laga diwaan galiyay goolkii taariikhda abid ee horyaalka Premier League ugu deg deg badnaa.

Xidiga kooxda Southampton ee Shane Long ayaa noqday xidiga magiciisa iyo kan kooxdiisa ku qoray buugaagta taariikhda Premier League kadib markii uu dhaliyay goolkii ugu deg dega badnaa ee qoraalka taariikhda Premier league.

Shane Long ayaa awooday in uu goolka furitaanka kooxdiisa ee Southampton uu ku dhaliyay 7 ilbidhiqsi oo kaliya mana jiro taariikhda gool ka deg deg badan oo laga soo dhaliyay Premier league.

Southampton oo marti u ah kooxda Watford ee kulanka ay hadda wada ciyaarayaan ayuu Shane Long goolka furitaanka dhaliyay markii kubbada sidaa layskugu taagbtay wuxuuna u baahday 7 ilbidhiqsi oo kaliya si uu goolkan taariikhiga ah u dhaliyo.

Sida lagu xaqiijiyay barta twitterka ee maamulka Premier league waxa uu Shane Long goolkan ku dhaliyay 7.69 ilbidhisi waxaana si rasmi ah loo shaaciyay in uu yahay goolkii taariikhda Premier league ugu deg dega badnaa.

Halkan kaga bogo qoraalka uu maamulka Premier leauge sida rasmiga ah ugu shaaciyay in goolka Shane Long uu ahaa goolkii taariikhda Premier league ugu deg dega badnaa.

Sidoo kale shirkada xogta kubbada cagta ururisa ee Opta ayaaa dhinaceeda ka shaacisay in Shane Long uu dhaliyay goolkii ugu deg dega badnaa abid ee horyaalka Premier league.