Taallada PARIS Oo Lagu Samaynayo Shaashad Weyn Oo Laga Daawan Doono Ciyaarta Finalka Koobka Adduunka

Maamulka magaalada Paris ayaa shaaciyey in shaashad weyn oo laga daawan doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka lagu samayn doono tallada caanka ah ee magaaladaas ka hor maalinta Axadda.

Finalka Koobka Adduunka ayaa France waxay la ciyaari doonaan Croatia, taas oo ay dadweyne tiro badan oo labada dal ah ay iska xaadirin doonaan magaalada Moscow, hase yeeshee kuwa soo hadha ayaa telefishano waaweyn oo toos ciyaarta looga daawan doono loogu dhejin doonaa barxadaha waaweyn ee magaalooyinkooda.

Ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka quruxda badan ee Luzhniki Stadium ayaa la filayaa inuu ka qayb-geli doono madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron iyo madaxweynaha Croatia oo horeba uga qayb-gashay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dalkoodu la ciyaaray Russia iyo England.

Si kastaba ha ahaatee taallada taariikhiga ah ee Eiffel Tower ee magaalada Paris ayaa waxay noqon doontaa barxad lagu daawado ciyaarta maalintaas, waxaana laga xidhi doonaa marista baabuurta sababo ammaan dartood.

Faransiiska ayaa waxa uu sidoo kale maalinta Sabtida u dabbaal-degi doonaa maalinta Bastille Day oo ah maalinta qaranimadooda.