Taageerayaasha Romania Oo Oorin Iyo Hees Isku Daray Daqiiqadii Loo Aamusay Gabadhii Dhawaan Ka Dhimatay Luis Enrique (Daawo Muuqaal)

Tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Spain ka dib Koobkii Adduunka ee 2018, waxaana uu ku bilowday si iska fiican iyadoo La Roja ay badiyeen shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu horeysay ee uu leyliyo Enrique.

Laakiin waxa uu si rasmi ah isaga casilay shaqada bishii Juun ee sannadkan isagoo markaas tilmaamay inuu arimo shaqsi ah darteed uga tagay shaqada tababare ee xulka Spain.

Arimaha shaqsiga uu sheegay ayaana noqday xaalada caafimaad ee gabadhiisa Xana taasoo uu ku dhacay kansarka lafaha.

Xana ayaana u geeriyootay cudurkaas 29kii bishii Agoosto ee la soo dhaafay iyadoo sagaal sanno jir ah.

Dunida kubada cagta ayaana tacsi u dirtay Luis Enrique iyo xaaskiisa Elena ka dib markii la maqlay warka geerida gabadhiisa.

Robert Moreno oo ah ninkii Enrique ka bedelay shaqada xulka Spain ayaa dhawaan shaaciyay inuu booska u baneyn doono macalinkii hore ee Barcelona haddii uu doonayo inuu shaqadiisa ku soo laabto.

Kulankii xalay ee isreebreebka Euro 2020 ee ay ciyaarayeen xulalka Romania iyo Spain ayaa daqiiqad loo aamusay gabadha yar si xanuunka loola wadaago Enrique.

Si kastaba, taageerayaasha martida loo ahaa ee Romania ayaa diiday inay aamusaan iyagoo isku daray oorin iyo hees intii ay socotay daqiiqada aamusnaanta.

Halkaan hoose ayaad ka daawan kartaa:

Falka ay ku kaceen taageerayaasha xulka Romania ayaana la cambaareeyay madaama ay dareemi waayeen xanuunka ay leedahay in shaqsi uu waayo gabadhiisa oo sagaal sanno jir ah.

Shaqaalaha tababarka Romania iyo ciyaartoyda ayaa u muuqday kuwa ka careysan falka ay ku kaceen taageerayaasha si la mid ah kuwa xulka Spain.