Taageeraha Weyn Ee Arsenal Ee Piers Morgan Oo Hinaase La Calaacalay Kaddib Guushii Liverpool Ay Ka Gaadhay Man City Ee Xalay & Sababta Cabashadiisa Keentay.

Taageeraha caanka ah ee kooxda Arsenal ee Piers Morgan ayaa calaacal ka muujiyay guushii ay xalay kooxda Liverpool ka gaadhay dhigeeda Manchester City kulan muhiim u ahaa tartanka horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen Fabinho, Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa guusha ka caawiyay Reds halka goolka madiga ah ee Sky Blues uu keenay Bernardo Silva.

Morgan oo ah soo saaraha barnaamijka Good Morning Evening ayaa kulankaas hinaase ku dareemay sababtoo ah tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo uu maamulka kooxdiisa dhawr jeer usoo jeediyay inay lasoo saxeexdaan kahor imaatinkiisii Anfield.

Morgan ayaa dhammaan qoraalo hore oo uu Twitter-ka ugu sheegayay kooxdiisa saxeexa Klopp dib usoo daaabacay (Re-Tweet) isagoo soo raaciyay dareeno (Emojis) muujinaya oohin.

Advertisements

Qoraalka koowaad oo ahaa March 2013 ayaa odhanaya “Jurgen Klopp waxa uu noqon karaa tababaraha ku haboon ee xiga ee Arsenal – Xaqiiqo”.

Qoraalka labaad oo ahaa November 2014 ayuu ku yidhi “Wenger bax, Klopp kaalay, Kaalaya jamaahiirta Arsenak”.

Markii uu Klopp qarka u saarnaa ku biirista Liverpool 2015 Morgan ayaa yidhi “Arsenal waa inay u dhaqaaqdo Jurgen Klopp, Madax daacad ah oo doonaya inay koobab waaweyn ku guuleystaan isaga umay ogolaadeen inuu tago oo uu Liverpool dib u qaabeeyo”.

Maalin kaddib markii Klopp rasmi loogu magacaabay macalinka Liverpool ayuu Morgan markale soo qoray “Waxaan ka niyad jabsanahay Jurgen Klopp, Waxay ahayd inuu midkayaga noqdo, Taa bedelkeeda Liverpool ayaa heli doonta dhammaan madadaalada, Farxada iyo abaalmarinaha”.

Advertisements