SUUQA: Paris Sanit-Germain Oo Weerar Baahsan Ku Qaadaysa Real Madrid Iyo Kooxda Zidane Ee Qudheedu Ciyaartoy Raadiska Ah Oo Ay SADDEX Xiddig Kaga Doonayaan 210 Milyan.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa la filayaa inay xilli suuqa xagaagan weerar ku qaado dhigeeda Real Madrid iyaga oo ka dalban doona saddex xiddig lacago badana miiska u saari doona si ay u qanciyaan.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Le Parisien, Madaxweynaha PSG ee Al-Khelaifi ayaa markale isha ku haya inuu lacago badan galiyo kooxdiisa waxaana uu diirada ku hayaa saddex ciyaartoy oo qayb ka ah Madrid si uu u farxad geliyo tababare Tuchel oo raadinaya inuu safkiisa keeno ciyaartoy khibrad leh.

Iyadoo uu tababare Zinadine Zidane doonayo inuu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa ayuu wargeysku sheegayaa in PSG ay doonayso inay ka faa’idaysato isla markaana ay aduun lacageed oo dhan 210 Milyan diyaar ula tahay saddexda xiddig ee kala ah Gareth Bale, Toni Kroos iyo Isco.

‘Le Parisien’ oo xaqiijiyay in Paris ay raacasho ugu jirto saddexdan xiddig ayaa sheegaya in kooxdu ay aaminsan tahay inay kooxda ku dhiiri gelin doonaan horumar iyo hammiga wayn ee ay leedahay ee ah hanashada Champions League.

Haddii Bale, Kroos iyo Isco ay u dhaqaaqaan dhinaca caasimada France, Paris Saint-Germain ayaa iska fasixi doonta Cavani iyo Draxler si ay iskugu dheeli tirto kooxdeeda una sii ilaashato Mbappe iyo Neymar oo bar-tilmaameed u ah Madrid.

210 Milyan ee ay PSG diyaarka la tahay ayaa ah mid Kroos lagu qiimeeyay 80 Milyan, Isco ay u arkaan 60 Milyan sidoo kalena Bale ay ugu talo galeen 70 Milyan.