Lampard Oo Doonaya In Kooxda Ay Champions League Ku Balansan Yihiin Ee Bayern Munich Uu Ka Adeegto Suuqan January & Mid Kamida Xiddigaha Ugu Fiican Oo Uu Ka Doonayo.

Advertisements

Iyadoo la filayo inay Chelsea suuqa bishan January samayso saxeexyo ay kooxdeeda ugu xoojinayso Premier League iyo wareegyada dambe ee Champions League, Ayuu tababare Lampard u muuqdaa mid shaqadaba ka bilaabaya kooxda ay balansan yihiin ee Bayern Munich.

Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska The Mirror, Tababare Frank Lampard ayaa doonaya saxeexa daafaca bidix ee kooxdaas ee David Alaba.

Image result for David Alaba

Lampard ayaa safka koowaad ee kooxdiisa Chelsea ka saaray Marcos Alonso oo aan ciyaarin kulamo badan tan iyo markii uu shaqada kooxdaas ka bedelay Maurizio Sarri.

Dhinaca kale daafaca ree Talyaani ee Emerson Palmieri ayaa ku fashilmay inuu Lampard ku qanciyo inuu yahay xalka booska daafaca bidix ee kooxda kulamadii uu fursada ka helay.

Frankie ayaa ku qasbanaaday inuu ka aamin baxo labada daafac bidix ee kooxdiisa ee Alonso iyo Emerson waxaana uu taas bedelkeeda daafaca bidix u adeegsadaa kabtan Cesar Azpilicueta halka uu daafaca midig fursad ka siiyay da’yarka Reece James.

Si kastaba, Alaba oo siddeed horyaal oo Bundesliga ah la qaaday Bayern loona arko mid kamida daafacyada bidix ee ugu wanaagsan Yurub ayuu heshiiskiisa haatan ee Bavaria ka hadhay kaliya 18 bilood,.

Mirror oo ah il wareedka xogtan laga keenay ayaa sheegaya in Blues ay doonayaan inay Alaba siiyaan fursada uu loolan cusub kaga bilaabi karo horyaalka Premier League iyagoo Bayern miiska u saaraya dalab 60 Milyan ah.

Ugu dambayn, Haddiiba uu Alaba usoo wareego Stamford Bridge ayuusan kaliya xalin doonin dhibka daafaca bidix ee kooxdaas balse uu sidoo kale khibrad kusoo kordhin doonaa safka da’yarta u badan ee tababare Lampard.

Advertisements