SUUQA: Lampard Oo Cadhadii Uu Old Trafford Kasoo Qaaday Darteed 70 Milyan Ugu Soo Iibsanaya Daafac & Liis Xiddigo Ah Oo Uu Diyaarsaday.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaar u yahay jawaab ka bixinta guuldarradii fadeexada ahayd ee xalay kooxdiisa Chelsea kasoo gaadhay dhigeeda Manchester United kulankoodii furitaanka ee Premier League.

Red Devils ayaa soo dhawayn aan wanaagsanayn u sameeyay Lampard oo ciyaarayay kulankiisii ugu horreeyay ee door tababarenimo ee horyaalka Premier League waxaana ay kaga talaabsadeen 4 gool oo jawaab la’aan ah kulankii Old Trafford ka qabsoomay.

Guuldarradaas ayay sababteeda ugu weyni ahayd in Chelsea daafaceedu ay ahaayeen kuwo aad u nugul oo qaladaad door ah samaynayay.

Haddaba, Sida laga soo xiganayo wargeyska The Sun Lampard oo kooxdiisu ganaax suuqa ah qabto ayaa haatanba diyaarsaday liis ciyaartoy ah oo uu doonayo waxaana hoggaaminaya daafaca bidix ee Leicester City Ben Chilwell oo 70 Milyan lagu qiimeeyo.

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Labo Kulan Kaliya Ayay Qaadatay In Harry Maguire Kubad Lala Garab Maro Halka Virgil van Dijk Uu Rikoor 68 Kulan Ah Sii Marayo

Lampard ayaa Chelsea qabsaday isaga oo og inuusan wax ciyaartoy ah oo cusub kooxdiisa kusoo dari doonin sababtoo ah ganaaxa suuqa ka saaran balse waxa uu doonayaa inuu si xoogan suuqa u galo xagaaga dambe marka ganaaxa laga qaado.

Lampard ayaa la fahamsan yahay inuu si dhaw ula socday xaalada Chilwell oo 22 sano jir ah kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayay xilli ciyaareedkii hore Manchester City kaddib dhaawacii Benjamin Mendy.

Chilwell ayaa qandaraas cusub u saxeexay kooxdiisa October 2018 taas oo la micno ah in shan sano wali ka hadheen qandaraaskiisa waana arrin caqabad ku ah Blues.

Foxes ayaan wax ka yar 70 Milyan ku iibin doonin daafaca ree England, Atletico Madrid ayay hore saxaafadu u sheegtay inay 71 Milyan kusoo dalbatay da’yarkan walow ay kooxdu been abuur ku sifaysay warkaas..