SUUQA KALA IIBSIGA: Shirkada Khamaarka Ee Paddy Power Oo Soo Bandhigtay 18-ka Xidig Ee Ugu Muhiimsan Ee Suuqa Bisha January Lala Kala Wareegi Karo-Imisa Xidig Oo Ayay Kooxdaadu Ka Doonaysaa?

Muddo bil kaliya ah ayaa inaga xigta waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono suuqa kala iibsiga bisha January, waxayna waqtigan oo kale kooxuhu isku sii diyaarinayaan in ay waqtiga qaboobaha saxiixyo ku soo xoojiyaan kooxahooda iyada oo haddaba ay jiraan magacyo tiro badan oo ay warbaahintu ka hadlayso in lala wareegi karo.

Laakiin shirkada sharadka khamaarka ah bixisa ee Paddy Power ayaa soo saartay liiska 18 ka ciyaartoy ee ay suurtogalka tahay in suuqa bisha Janaayo lala kala wareegi doono waxaana ku jira xidigo magac wayn ku leh kubbada cagta iyada oo waliba xidig kastaba la siiyay qiimo sharad loogu gali karo.

Shirkada Paddy Power ayaa la aas aasay sanadkii 1988 kii waana mid ka mid ah shirkadaha ugu horeeya ee bixiya sharadka khamaarka isla markaana xog badan looga helo suuqa kala iibsiga ama dhacdooyinka Sportska. Paddy Power oo uu fadhigeedu yahay magaalada Dublin ee Ireland ayaa haddaba soo dhigtay ciyaartoyda suuqa January lagula kala wareegi karo.

Laakiin 18 ka ciyaartoy ee liiskan ku jiraa waa kuwa ay ugu badan tahay in lala kala wareegi karo waxayna ka tirsan yihiin horyaalada Yurub ugu waa wayn inkasta oo magacyada ciyaartoyda Premier league ay ku badan yihiin.

Aaron Ramsey ayaa hogaaminaya liiska 18ka ciyaartoy ee ay inta ugu badan suurtogalka tahay in bisha January lala kala wareegi doono iyada oo la siiyay qiime 4/11 ah oo uu ugu biiri karo kooxda Bayern Munich marka uu suuqa January furmo.

Waxaa Ramsey la mid ah Christian Pulisic oo Chelsea ugu biiri kara isla 4/11 inkasta oo ay Liverpool markii hore kula tartamaysay waxayna u muuqataa in Blues ay bisha January ku guulaysan karto saxiixa Pulisic oo ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka kubbada cagta aduunka.

Anthony Martial, Pual Pogba, Nabil Fekir, Romelu Lukaku, Alexis Sanchez, xidiga laysku haysto ee Frenkie De Jong ayaa dhamaantood ka mid ah ciyaartoyda liiskan ku soo baxay ee ay suurtogalka wayn tahay in suuqa January lala kala wareegi karo.

Haddaba imisa ciyaartoy oo kooxdaada ka tirsan ayaa bisha January bixi kara oo liiskan ku soo baxay? Imisa ciyaartoy oo ay kooxdaadu doonayso ayaase bisha January lala kala wareegi karaa? Adiga ayaa garan kara haddii ay ku jiraan balse halkan kaga bogo liiska 18ka xidig oo dhamaystiran. Sidoo kale waxaa ku hor qoran xidig kastaba kooxda ugu cad cad ee la wareegi karta.

1-Aaron Ramsey ⇒ Bayern, 4/11

2-Christian Pulisic  Chelsea, 4/11

3-Danny Drinkwater  Fulham, 5/6

4-Frenkie De Jong  Manchester City, 5/4

5-Harry Maguire  Manchester United, 9/4

6-Andreas Pereira  Arsenal, 5/2

7-Anthony Martial  Inter Milan, 3/1

8-Ruben Neves  City, 3/1

9-Alexis Sanchez  PSG, 3/1

10-Paul Pogba  Barcelona, 4/1

11-Nabil Fekir  Chelsea, 5/1

12-Romelu Lukaku  Juventus, 5/1

13-Toby Alderweireld  United, 11/2

14-Jack Grealish Tottenham, 11/2

15-Marko Arnautovic Man United, 11/2

16-Callum Wilson Chelsea, 6/1

17-Jadon Sancho Arsenal, 6/1

18-Lorenzo Insigne Liverpool, 7/1