Maamulka Manchester United Oo Ogolaaday In Jose Mourinho Suuqa January Saxeexyo Cusub Sameeyo Xilli Daaha Laga Qaaday Saddexda Xiddig Ee Muhiimada Koowaad U Ah.

Wargeyska Dailly Star ayaa daaha ka qaaday in maamulka kooxda Manchester United ay ugu dambayn ogolaansho siiyeen tababaraha kooxda ee Jose Mourinho iyaga oo u ogolaaday inay maalgeliyaan si uu saxeexyo cusub kooxda u keeno.

Man United ayaa haatan booska siddeedaad kaga jirta kala sarreynta Premier League waxaana ay 12 dhibcood kahoos mareen kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Manchester City.

Man Utd news: Jose Mourinho can spend in January

Markale, Wargeyska Star oo ka faaloonaya saddexda xiddig ee ugu macquulsan ee uu Mourinho safkiisa kusoo dari karo ayaa ugu horreynba xusay daafaca dhexe ee Atletico Madrid ee Diego Godin.

United ayaa suuqii xagaaga ku hungowday liis daafacyo ah oo uu ku jiray daafacan khibarada weyn lehi balse waxa ay u muuqdaan kuwo markale tijaabinaya nasiibkooda.

Si lamid ah, Mou ayaa calaamadsaday saxeexa daafaca ay suurogal tahay in jamaahiirta kooxdu aysan ku waafaqin waana daafaca dhexe ee Chelsea ee Gary Cahill oo haatan fursad ka la’ kooxda ree London ee uu kabtanka ka yahay.

Waxa liiskan saddexda xiddig ah soo dhammaystiray garabka kooxda Roma ee Lorenzo Pellegrini kaas oo bandhigyo waaweyn samaynaya xilli ciyaareedkan kuna qancinaya kooxo badan inay raacdo ku sameeyaan.

Special One ayay ujeedadiisa koowaad tahay inuu lasoo saxeexdo daafac dhexe waxaana uu guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward u sheegay samaynta saxeex daafac si ay u xoojiyaan afarta daafac dambeed.