Suuqa Kala Iibsiga – Halkan Ka AKHRISO 10-ka Saxeex Ee Ugu Macquulsan Ee Qabsoomi Kara Caawa Ilaa Berri.

Guud ahaan kooxaha qaarada Yurub gaar ahaan kooxaha iyo horyaalada ugu waaweyn ayaa dhexda kaga jira suuqa kala iibsiga ee xilliga xagaaga waxaana ay koox kastaa suuqa ka dhex raadinaysaa ciyaartoydii heer midkeeda haatan ka wanaagsan gaadhsiin lahaa.

Ilaa iyo haatan ayay horyaalada ugu waaweyn wadaan ka adeegashada suuqa balse horyaalka Premier League oo isaga lagu yaqaanay bixinta lacag aad u badan ayaad moodaa inuu xilli suuqan xaalad gaabis ah ku jiro.

Chelsea ayaa ah koox uu suuqa kala iibsiga ka saaran yahay ganaax, Man City iyo Liverpool oo xilli ciyaareedkii hore wacdarro soo dhigay ayaan wali saxeex samayn, Arsenal ayaan si lamid ah xiddig keensan iyadoo dhaqaale xadidan u dhibtoonaysa halka Man United ay ilaa haatan xaqiijisay saxeexa Daniel James oo 15 Milyan ah.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa tobbanka saxeex ee ugu macquulsan ee qabsoomi kara caawa ilaa berri (Gaar ahaan saxeexyada ay kooxaha waaweyni samaynayaan).

Aaron Wan Bissaka ayaa ah xiddiga koowaad waxaana uu qarka u saaran yahay inuu noqdo ciyaartoy Man United ah isaga oo haysta qiimaynta 1/10 lana filayo inuu caawa caafimaadka u mari doono Red Devils

Waxa soo labeeya Romelu Lukaku oo Man United ka bixi kara una wareegi kara dhinaca Inter Milan halka uu booska saddexaad ku jiro Leroy Sane.

Dhinaca kale magacyada ugu waaweyn ee kasoo muuqday liiskan tobbanka ciyaartoy ayaa kala ah Neymar JR oo waxkasta u samaynaya ku laabashada Barcelona, Paul Pogba iyo Eriksen oo Real Madrid lala xidhiidhinayo.

10-ka Heshiis Ee Ugu Macquulsan Ee Qabsoomi Kara Caawa Ilaa Berri

1: Aaron Wan Bissaka – 1/10

2: Romelu Lukaku => Inter – 2/9
3: Leroy Sane => Bayern Munich – 2/5
4: Harry Maguire => Man City – 4/9
5: Kieran Trippier => Juventus – 4/7
6: Neymar => Barcelona – 4/6
7: Paul Pogba => Real Madrid – 4/5
8: Christian Eriksen => Real Madrid – 10/11
9: Gareth Bale => Koox Chinese Ah – 11/8
10: Wilfried Zaha => Arsenal – 6/4