Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Xagaaga Oo Furmay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysada Yurub Ka Qoreen Xidigaha Lakala Doonayo.

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa furmay inkasta oo si rasmi ah ciyaartoyda loo diwaan galin doono July 1, haddana waxa uu hadda suuqu noqday mid furan oo ay kooxuhu la kala wareegi karaan ciyaartoyda ay doonayaan.

Dhamaadka xili ciyaareedkan waxaa la filayaa in uu noqon doono suuqa kala iibsiga ciyaartoydu midkii ugu xiisaha badnaa iyada oo kooxaha Real Madrid, Bayern Munich, PSG, Man United iyo Barcelona ay dhamaantood isbadal waa wayn samayn doonaan.

Kooxaha Yurub ayaa si weyn isagu diyaarinaya xilli ciyaareedka soo socda iyadoo durbaba ay isku dayayaan inay heshiisyo la gaaraan xiddigaha ay u baahan yihiin xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga halka kuwa kale ay weli ku jiraan inay indha indheeyaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada Yurub. Halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Kooxaha waa wayn ee Yurub ayaa war fiican helay kadib markii uu xidiga Crystal Palace ee Wilfried Zaha uu ku dhawaaqay in uu ka baxayo si uu ugu biiro koox ka ciyaraysa Champions league. 26 sano jirkan ayaa 80 milyan gini lagu qiimanayaa. (Mail)

Juventus ayaa wada xaajood la bilawday Man United si ay ugala wareegto xidiga fashilmay ee Alexis Sanchez oo 30 sao jir ah. Sanchez ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Inter Milan. (Independent)

Manchester United ayaa isha ku ahysa in ay £50 milyan ku kharash garayso xidiga kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka yo Patrick Van Aanholt.  (The Sun)

Dhinaca kale Man United ayaa ka cabsi qabta in ay xagaagan waydo saxixia 19 sano jirka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho balse waxay Red Devils ku dhawdahay xidiga Swansea ee Daniel James.(London Evening Standard)

Chelsea ayaan qorshaynayn in ay kordhiso heshiiskii amaahda ahaa ee uu kooxdeeda ku joogay Gonzalo Higuain waxayna kadib finalka Europa league dib ugu celin doontaa Juventus.(Mail)

Maurizio Sarri ayaa xataa haddii uu Europa League ku guulaysto ka cabsi qaba in shaqada laga caydhiyo laakiin AS Roma ayaa markiiba noqon karta kooxda uu qaban doono halka Chelea ay doonayso tababaraha Watford ee Javi Gracia. (Express).

Dhinaca kale Chelsea ayaa dib u dhigtay in ay go’aan ka gaadho mustaqbalka Maurizio Sarri ilaa inta la ciyaarayo finalka Europa League ee ay Arsenal wajihi doonaan.(Telegraph)

Halyaygii hore ee Chelsea oo hadda si layaableh Derby County ugu soo saaray finalka isreeb reebka Premier league loogu soo baxayo ee Frank Lampard ayaa loo doortay in uu Sarri ka badalo Chelsea. (SportMediaset, Star).

Tottenham ayaa ciyaartoyda kooxdeeda dhamaan ka mamnuucday suuqa kala iibsiga ilaa inta ay ciyaarayaan finalka Champions League ee Liverpool.(London Evening Standard).

Tottenham ayaa la socota xaalada xidiga kooxda Bayer Leverkusen ee Julian Brandt kaas oo la fahansan yahay in heshiiskiisa lagu burburin karo  £21.5m (Mail).

Kooxaha Barcelona iyo Paris-St Germain ayaa xiisaynaya da’yarka aadka loo qiimeeyo ee Man United aan fursada fiican ka helin ee Angel Gomes oo 18 sano jir ah.(Star)

Real Madrid ayaa xagaagan sii dayn doonta ilaa 14 ciyaartoy oo ay ku jiraan Gareth Bale, Keylor Nacas iyo James Rodriguez waxayna doonaysaa in ay iibiso si ay ciyaartoy kale ula soo saxiixdaan. (Marca)

Barcelona ayaa ku kalsoon in ay xagaagan la soo saxiixan doonto Antoine Griezmann inkasta oo ay Paris St-Germain ku soo biirtay rabitaanka lagu doonayo 28 sano jirkan reer France ee go’aanka ku gaadhay in uu Atletico Madrid ka baxo. (London Evening Standard)

Laakiin Griezmann ayaan Barcelona ka badali doonin xidiga dhibtoonaya ee Philippe Coutinho sida uu wakiilka 26 sano jirkani sheegay. (Sky Sports)

Da’yarka Chelsea amaahda kaga maqan ee Tammy Abraham oo 21 sano jir ah ayay Aston Villa ku doonaysaa heshiis rasmi ah halka ay bartilmaameedsanayso kooxda Germany ee RB Leipzig.(Sun)

Kenedy oo amaah ugu maqnaa kooxda Newcastle United ayaa dib ugu soo laabtay Chelsea iyada oo mustaqbalka 23 sano jirkan reer Brazil uu hubanti la’aan ku jiro.(Newcastle Chronicle)

Xidiga kooxda Ajax ee David Neres oo hore loola xidhiidhinayay Arsenal iyo Liverpool ayay PSG wada xaajood la furtay iyada oo £43 milyan gini kula wareegi karta. AC Milan iyo Atletico Madrid ayaa sidoo kale xiisaynayay. (UOL Esporte)

Juventus ayaa u dhaqaaqi doonta tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps haddii uu Massimiliano Allegri go’aan ku gaadho in uu Turin ka baxo. (GOAL)