SUUQA: Kadib Heshiiska Juventus Ee Cristiano Roanldo, Halkan Ka Akhriso Dhamaan Ciyaartoyda Ku Soo Biirtay Ama Ka Baxday 26-ka Kooxood Ee Sida Tooska Ah Ugu Soo Baxay UEFA Champions League.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray liisaska ciyaartoyda ku soo biirtay ama ka baxday 26ka kooxood ee sida tooska ah ugu soo baxay tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 kaas oo haddaba UEFA ka bilawday maadaama oo ay kooxo badani isreeb reeb u soo galayaan 6 kaalmood ee ka dhiman 32ka kooxood ee tartankan isku aadkiisa loogu samayn doono magaalada Nyon.

Dhamaan kooxaha 26ka ah ee UEFA Champions League sida tooska ah ugu soo baxay ayaa kaalmaha sare ka soo galay horyaalada Yurub ugu waa wayn iyada oo marka dhawaan la soo gaba gabeeyo isreeb reebyada kala duwan ay UEFA samayn doonto isku aadka heerka Groupyada oo 32 kooxood ku tartami doonaan.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kasta oo Champions League ku jirtaa suuqa ka raadinaysaa ciyaartoyda ay u aragto in ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda guulo gaadhsiin karaan waxaana haddaba jira kooxo si wayn suuqa uga dhex muuqda.

Kooxaha horyaalka Talyaaniga ayaa wacdaro cusub la soo baxay iyada oo kooxda AS Roma haddaba samaysay 9 saxiix oo waliba qaar badani muhiim yihiin halka kooxda Juventus ay si wayn suuqa uga dhex muuqato iyada oo heshay Emre Can oo si xor ah ugu yimid iyo xidiga sida wayn loo qiimeeyo ee  João Cancelo.

Laakiin kooxda Inter Milan oo ugu danbayn ka soo muuqan doonta UEFA Champions League kadib sanado badan oo ay ka maqnayd ayaa haddaba samaysay shan saxiix oo kooxdeeda wax wayn ka badali kara waxayna ilaa hadda kooxaha Talyaanigu u muuqdaan kuwo suuqa si wayn uga kaluumaysanaya.

Dhinaca horyaalka Premier league kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal inkasta oo Gunners ay ka ciyaari doonto Europa League. Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta ciyaartoyda ku soo biirtay ama ka baxday dhamaan 26ka kooxood ee Champions League sida tooska ah ugu soo baxay.

Laakiin warka ugu wayn ee suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa noqday in Cristaino Ronaldo uu lacag 100 milyan euros ah ugu biiray kooxda Juventus iyada oo waliba heshiiskan ay saxaafada Talyaanigu ku sifaysay heshiiskii qarniga. Juventus ayaa haddaba heshay saxiixyo muhiim ah oo kooxdeeda heer kale u qaadi kara.

Haddaba akhrsite Halkan si buuxda ugaga bogo dhamaan ciyaartoyda ku soo biirtay ama ka baxday 26ka kooxood ee sida tooska ah ugu soo baxay UEFA Champions League:

1-Atlético Madrid (Spain)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Nehuén Pérez (Argentinos Juniors), Rodri (Villarreal), Thomas Lemar (Monaco)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Fernando Torres (la fasaxay), Gabi (Al-Sadd)

2-Barcelona (Spain)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Arthur Melo ayaa heshiiskiisa la dhaqan galiyay wuxuuna Camp Nou soo gaadhi doonaan waqtiyada dhaw ee soo socda.

Ciyaartoyda Ka Baxday: Gerard Deulofeu (Watford), Andrés Iniesta (Vissel Kobe), Paulinho (Guangzhou Evergrande)

3-Bayern München (Germany)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Leon Goretzka (Schalke)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Tom Starke (retired), Niklas Dorsch (Heidenheim), Douglas Costa (Juventus, heshiiskiisii amaahda ahaa ayaa mid rasmi ah laga dhigay)

4-Club Brugge (Belgium)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Karlo Letica (Hajduk Split), Siebe Schrijvers (Genk), Clinton Mata (Charleroi), Mats Rits (Mechelen), Luan Peres (Ituano)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Jérémy Perbet (Charleroi), Jens Teunckens (Royal Antwerp)

5–CSKA Moskva (Russia)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Rodrigo Becão (Bahia, loan), Hördur Magnússon (Bristol City), Jaka Bijol (Rudar Velenje)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Pontus Wernbloom (released), Georgi Milanov (la fasaxay), Bibras Natcho (la fasaxay), Sergei Ignashevich (ciyaaraha ka fadhiistay)

6-Dortmund (Germany)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Marius Wolf (Eintracht Frankfurt), Marwin Hitz (Augsburg), Thomas Delaney (Werder Bremen), Abdou Diallo (Mainz)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Mikel Merino (Newcastle United), Dominik Reimann (Kiel), Roman Weidenfeller (retired), Gonzalo Castro (Stuttgart), Sokratis Papastathopoulos (Arsenal)

7-Galatasaray (Turkey)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Muğdat Çelik (Akhisarspor), Yuto Nagatomo (Inter, heshiiskiisii amaahda ayaa mid rasmi ah laga dhigay)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Luis Cavanda (Standard Liège, loan made permanent), Cédric Carrasso (La Fasaxay), Eray İşcan (la fasaxay), Koray Günter (la fasaxay), Iasmin Latovlevici (la fasaxay), Yasin Öztekin (la fasaxay), Hakan Balta (la fasaxay)

8-Hoffenheim (Germany)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Leonardo Bittencourt (Köln), Ishak Belfodil (Standard Liège), Joshua Brenet (PSV), Vincenzo Grifo (Mönchengladbach)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Eugen Polanski (unknown), Mark Uth (Schalke), Benedikt Gimber (Ingolstadt), In-hyeok Park (Daejeon)

9-Inter Milan (Italy)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Radja Nainggolan (Roma), Stefan de Vrij (Lazio), Kwadwo Asamoah (Juventus), Lautaro Martínez (Racing Avellaneda), Matteo Politano (Sassuolo)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Davide Santon (Roma), Yuto Nagatomo (Galatasaray, loan made permanent), Geoffrey Kondogbia (Valencia,Heshiiskii amaahda ayaa rasmi laga dhigay), Nicolò Zaniolo (Roma)

10-Juventus (Italy)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Cristaino Ronaldo (Real Madrid)Douglas Costa (Bayern München, Heshiiskii amaahda ahaa ayaa rasmi laga dhigay), Mattia Perin (Genoa), Andrea Favilli (Ascoli), Emre Can (Liverpool), João Cancelo (Valencia)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Gianluigi Buffon (Paris), Stephan Lichtsteiner (Arsenal), Kwadwo Asamoah (Inter milan)

11-Liverpool (England)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Fabinho (Monaco), Naby Keita (RB Leipzig)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Ovie Ejaria (Rangers, amaah), Emre Can (Juventus), Jon Flanagan (Rangers), Ádám Bogdán (Hibernian, amaah)

12-Lokomotiv Moskva (Russia)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Rifat Zhemaletdinov (FC Rubin)
Ciyaartoyda Ka Baxday:: Ciyaartoy kamay bixin

13-Lyon (France)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Léo Dubois (Nantes)

Ciyaartoyda Ka Baxday:: Willem Geubbels (Monaco), Romain Del Castillo (Rennes), Mouctar Diakhaby (Valencia), Jean-Philippe Mateta (Mainz), Aldo Kalulu (Basel), Sergi Darder (Espanyol)

14-Manchester City (England)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Riyad Mahrez (Leicester City)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Yaya Touré (released), Pablo Maffeo (Stuttgart), Angeliño (PSV), Olarenwaju Kayode (Shakhtar Donetsk,heshiiskii amaahda ahaa ayaa rasmi laga dhigay), Pablo Marí (Deportivo La Coruña, amaah), Anthony Cáceres (Melbourne City, amaah)

15-Manchester United (England)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Fred (Shakhtar Donetsk), Diogo Dalot (Porto), Lee Grant (Stoke City)
Ciyaartoyda Ka Baxday:: Michael Carrick (ciyaaraha ka fadhiistay), Sam Johnstone (West Brom)

16-Monaco (France)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Samuel Grandsir (Troyes), Willem Geubbels (Lyon), Wilson Isidor (Rennes), Sofiane Diop (Rennes), Robert Navarro (Barcelona), Pelé (Rio Ave), Jonathan Panzo (Chelsea)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Fabinho (Liverpool), Terence Kongolo (Huddersfield)

17-Napoli (Italy)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Simone Verdi (Bologna), Fabián Ruíz (Real Betis), Alex Meret (Udinese), Orestis Karnezis (Udinese)

Ciyaartoyda Ka Baxday:Pepe Reina (AC Milan), Emanuele Giaccherini (Chievo Verona)

18-Paris Saint-Germain (France)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Gianluigi Buffon (Juventus)

Ciyaartoyda Ka Baxday:: Thiago Motta (retired), Odsonne Edouard (Celtic), Javier Pastore (Roma), Yuri Berchiche (Athletic Club), Jonathan Ikoné (LOSC Lille)

19-Plzeň (CZE)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Luděk Pernica (Jablonec), Ubong Ekpai (Zlín), Roman Procházka (Levski Sofia)
Ciyaartoyda Ka Baxday:Andreas Ivanschitz (released), Diego Živulić (released), Václav Pilař (Sigma Olomouc)

20-Porto (Portugal)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: João Pedro (Palmeiras), Saidy Janko (St-Étienne), Ewerton (Portimonense)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Ricardo Pereira (Leicester City), Iván Marcano (Roma), Diogo Dalot (Porto)

21-Real Madrid (Spain)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Vinícius Júnior (Flamengo), Andriy Lunin (Zorya Luhansk), Álvaro Odriozola (Real Sociedad)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Cristiano Ronaldo (Juventus)Omar Mascarell (Schalke)

22-Roma (Italy)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Iván Marcano (Porto), Ante Ćorić (Dinamo Zagreb), Bryan Cristante (Atalanta), Justin Kluivert (Ajax), Antonio Mirante (Bologna), Davide Santon (Inter), Javier Pastore (Paris), William Bianda (Lens), Nicolò Zaniolo (Palmeiras)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Radja Nainggolan (Inter), Marco Tumminello (Atalanta), Arturo Calabresi (Bologna), Lukasz Skorupski (Bologna), Bruno Peres (São Paulo, amaah)

23-Schalke (Germany)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Suat Serdar (Mainz), Salif Sané (Hannover), Steven Skrzybski (Union Berlin), Mark Uth (Hoffenheim), Omar Mascarell (Real Madrid)
Ciyaartoyda Ka Baxday: Leon Goretzka (Bayern), Max Meyer

24-Shakhtar Donetsk (Ukraine)

Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Olarenwaju Kayode (Manchester City, loan made permanent), Fernando Pedro (Palmeiras), Oleksiy Shevchenko (Karpaty Lviv), Maycon (Corinthians), Júnior Moraes (Dynamo Kyiv)

Ciyaartoyda Ka Baxday: Fred (Man. United), Bernard (free transfer), Facundo Ferreyra (Benfica), Darijo Srna (Cagliari), Ruslan Fomin (Mariupol)

25-Tottenham Hotspur (England)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Wax ciyaartoy ahi wali kumay soo biirin
Ciyaartoyda Ka Baxday: Keanan Bennetts (Borussia Mönchengladbach)

26-Valencia (Spain)
Ciyaartoyda Ku Soo Biiray: Uroš Račić (Crvena zvezda), Geoffrey Kondogbia (Inter, loan made permanent), Mouctar Diakhaby (Lyon)
Ciyaartoyda Ka Baxday: João Cancelo (Juventus)

Laakiin kooxahan ayaa la filayaa in dadaalkooda suuqa kala iibsiga ay laba jibaari doonaan marka uu koobka aduunku si rasmi ah u soo xidhmo iyada oo waliba kooxaha Premier league uu culays ku saaran yahay in suuqu xidhmi doono isla marka uu horyaalku bilaamayo August taas oo xalaalada suuqa soo dadajin doonta.