SUUQA: Dagaalka Loogu Jiro Saxeexa Aaron Ramsey Oo Waji Kale Yeeshay, Real Madrid Oo Xiiso U Muujisay & Filashada Suuqa January.

Dagaalka loogu jiro saxeexa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Wales ee Aaron Ramsey ayaa noqday mid marba marka ka dambeysa sii adkaanaya waxaana markan loolanka dhinaceeda kasoo gashay kooxda Real Madrid oo ku adkayn doonta kooxihii hore u doonayay.

Heshiiska Ramsey ee Arsenal ayaa ah mid gabaabsi ah waxaana uu dhammaan doonaa dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo xagaaga dambeba si xor ah lagu heli karo waana sababta damaca gelisay kooxo badan.

Real Madrid are targeting Aaron Ramsey. AFP

Sida uu ku warramayo wargeyska Mirror, Los Blancos ayaa haatan dhinacooda kasoo galay tartanka waxaana ay qayb ka noqon doonaan kooxaha Bayern Munich, Juventus iyo Liverpool oo dhammaantood xor ku doonaya Aaron.

Madrid ayaa ugu horreynba dookh u haysata inay saxeexa 27 jirkan dhammaystiraan suuqa January isla markaana ay bixiyaan lacago yar si ay uga hor maraan kooxaha xorta ku doonaya ilaa suuqa xagaaga dambe.

Sababta kale ee Real caawin karta ayaa ah inay Ramsey u balanqaadaan mushahar sarre isla markaana ay heshiis hordhac ah ka saxeexdaan bisha January oo ah wakhtiga sharcigu u ogolaan doono inuu la xaajoodo kooxaha ka baxsan gudaha Ingiriiska.

Hubka kale ee ay Kooxda Santiago Solari adeegsan karto ayaa ah Gareth Bale oo ah xiddig ay dhalasho wadaagaan Ramsey ayaa noqon kara mid kusoo jiida Estadio Santiago Bernabeu.

Ramsey ayaa sanadkii 2008 Gunners kaga soo biiray dhinaca kooxda Cardiff City, Waxa uu mudadaas saftay kulamo dhan 347 isaga oo usoo dhaliyay 60 Gool.