SUUQA: Cristiano Ronaldo Oo HAL Xiddig Oo Kaliya Ka Doonaya In Looga Keeno Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid & Zidane Oo Si Shuruud La’aan Ah Ugu Fasixi Doona.

Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ayaa suuqa xagaagan ku hawlan inay markale soo xoojiyaan safka kooxdaas waxaana sida iska cad la filayaa in CR7 uu xiddigaha qaar maamulka suuqa ee kooxdiisa si gaar ah uga dalbado.

Sida uu sheegay halyeeyga Bayern Munich ee Lothar Matthaus, Ronaldo ayaa Juventus ka doonaya inay kooxda u keento James Rodriguez oo laba xilli ciyaareed oo amaah ah kusoo qaatay Bayern haatana kusoo laabanaya Madrid.

James ayaa kusoo dhibtooday Real Madrid tan iyo markii uu kusoo biiray xagaagii 2014 waxaana la filayaa inuu suuqa xagaagan si rasmi ah uga hayaami doono kooxdaas.

Matthaus oo u waramay wargeyska AS ee fadhigiisu yahay magaalada Madrid ayaa sheegay inuu isagu so toos ah ula sheekaystay James isla markaana uu xiddigani u sheegay inuu doonayo inuu Ronaldo kula midoobo Bianconeri.

Lothar Matthaus oo waraysigii dhex maray isaga iyo Rodriguez ka hadlaya ayaa yidhi “Anagu waxaanu yeelanay wada sheekaysi laba toddobaad kahor intii lagu gudo jiray dabaaldegii Bayern ee ku guuleysiga Bundesliga”

“Waxaan isaga ku arkaa Juventus, Isagu waxa uu aad ugu dhaw yahay Cristiano Ronaldo waxaana uu ii sheegay inuu la xidhiidho isaga oo uu u sheegay inuu doonayo inuu isaga ku haysto Juventus”

“Waan fahmi karaa sababta uu James ugu adeegi karo Ronaldo sidaas darteed goolal ayuu dhalin karaa labadooduna way wada dhalaali karaan”

Marka laga yimaado in mustaqbalkiisu yahay mid hubaanti la’aan ah, James ayaa haatan xulkiisa Colombia kula sugan dalka Brazil oo ay ku ciyaarayaan Copa America isaga oo saxaafada u sheegay inuu ku jiro xaalad kala xulasho kooxaha ah.

Si kastaba, Tababare Zidane oo aan marnaba taageere u noqon hanaanka ciyaareed ee James ayaa la filayaa inuu fursad u arki doono iibinta xiddigan isla markaana uu si deg deg ah ugu ogolaan doono ku biirista Juve.