SUUQA: Atletico Madrid Oo Arsenal Usoo Bandhigtay Heshiis Xiddigo Is Dhaafsi, Midka Ay Ka Doonayso & Midka Emirates Usoo Wareegi Kara.

Kooxda ree Spain ee Atletico Madrid oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn ugu soo hawlanayd suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa haatan doonayso inay heshiis xiddigo is dhaafsi u bandhigto Arsenal.

Atletico ayaa sida lasoo tabinayso doonaysa inay kooxdeeda keensato daafaca midig ee Gunners ee Hector Bellerin isla markaana ay Arsenal u bandhigeen inay qaataan weeraryahan Vitolo.

Warkan oo ah mid laga soo xigtay wargeyska Telegraph ayaa lagu xusay in Atletico ay Arsenal ka weerarayso dhinaca tababare Unai Emery maadaama oo xiddiga ay heshiiska kusoo dartay ee Vitolo ay aqoon isku leeyihiin tababaraha.

Vitolo iyo Emery ayaa soo wada qaatay wakhti cajiib ah markii ay kuwada sugnaayeen kooxda Sevilla waxaana ay si wadajir ah ugu soo wada guuleysteen saddexa UEFA Europe League.

Bellerin ayaa haatan ku maqan dhaawac gaadhay badhtamaha xilli ciyaareedkii hore balse taas ayaan noqon mid ka celisa Atletico inay xiiso u muujiso.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Bellerin uusan xataa taam u noqon doonin horaanta xilli ciyaareedka cusub ee 2019-2020 waana arrin kale oo kooxdiisa ku dhiiri-gelin karta inay iska fasaxdo.

Xogta weeraryahan Vitolo ee kooxdiisii hore ee Sevilla ayaa ah inuu soo dhaliyay 28 gool wakhtigiisii halkaas 44 kalena uu soo caawiyay isla markaana uu wacdarro gaar ah soo dhigayay wakhtigii uu la shaqaynayay Emery.

Tababare Emery ayaa haddiiba warkan kasoo yeedhay Telegraph uu xaqiiq yahay go’aansan doona haddii uu Bellerin kooxda kusii haysanayo iyo haddii uu ku doorsanayso Vitolo.

Ugu dambayn, Suuqa xagaagan ee Arsenal ayaa ah mid wali gaabis ah, Kooxda ayaan wax saxeex ah ku dhawaaqin waxaana la hadal hayaa in dhibaato dhaqaale yaraan suuqa ahi haysato.