SUUQA: Antoine Greizmann Oo Real Madrid Ka Caawin Kara Inay La Saxeexato Xiddiga Ay Ku Riyoonayso Ee Neymar JR.

Weeraryahanka dhawaan shaaciyay inuu ka baxao kooxda Atletico Madrid ee Antoine Greizmann ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid ka caawin karo saxeexa Neymar JR oo Paris Sain-Germain ka tirsan.

Greizmann ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyay inuu go’aansaday inuu gabi ahaanba ka tago kooxdiisa Atletico waxaana ay taasi si dadban dib ugu bilawday in Neymar lala xidhiidhiyo Santiago Bernabeu.

Iyadoo ay haatan waxkasta sheegayaan in Greizmann uu kusii jeedo kooxda Barcelona oo uu xagaagii hore diiday fursad uu ugu biiri lahaa ayay Paris heshiis xilli dambe ah miiska u saartay Greizmann iyaga oo la xaajoonaya qoyskiisa.

Antero Henrique oo ah agaasimaha suuqa kala iibsiga ee PSG ayay doonayaan inay xiddigan kusoo jiitaan mushahar ka badan mika 17-ka Milyan ah ee ay Barcelona diyaarka ula tahay iyo waliba qandaraas shan sano ah.

In Greizmann uu u wareego Parc Des Princes ayaa ugu dambayn madaxweynaha kooxda ee Al-Khelaifi ku qancin karta inuu Madrid ka iibiyo Neymar balse waxa marka hore ka horreysa inay saxeexa 27 jirkan kaga hor maraan Blaugrana.

Antoine Greizmann ayuu rabitaankiisa koowaad yahay kooxda Barcelona balse Paris ayaa fursada ugu badan ku heli karta mushahar badan oo ay usoo bandhigto maadaama oo ay Barca mushaharkii 23-ka Milyan ahaa ee Greizmann hoos ugu dhigayso 17 haddii ay hesho.