Supercomputer Saadaaliyay Sida Uu Horyaalka Premier League Ku Dhamaan Doono – Liverpool & Man United Oo Ku Farxay

Supercomputer ayaa saadaaliyay sida kala sareynta horyaalka Premier League ay noqon doonto maalinta ugu danbeysa ee xilli ciyaareedka, waxaana ay war wanaagsan u tahay Liverpool iyo Man United.

Sida ay haatan wax yihiin kooxdii hanatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore ee Manchester City ayaa hogaanka heysa ka dib 27 kulan oo la ciyaaray.

Waxa ay Liverpool hogaanka kaga hayaan farqiga goolasha laakiin Reds waxaa u harsan hal kulan marka loo eego kooxda Pep Guardiola, waxaana ay fursad fiican u heystaan inay soo ceshtaan hogaankooda seddexda dhibcood haddii haddii kulankooda xiga ee Premier League ay la ciyaarayaan Manchester United.

Liverpool iyo City ayaa ugu cadcad inay ku dhameystaan kaalimada koowaad iyo labaad, inkastoo sida ay u kala horeyn doonaan ay tahay in la sugo oo la arko.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horaysay Qirtay Tirada Lacagtii Uu Ku Aamusiiyay Naagtii Kufsiga Ku Soo Eedaysay.

Dad badan ayaa filanaya in Tottenham ay ku dhameysato kaalinta seddexaad xilli ciyaareedkan oo ay Champions League u soo baxdo xilli ciyaareedka danbe. Laakiin booska ugu danbeeya ee afaraad ayaa la isku heystaa.

Sida ay haatan wax yihiin Man United ayaa kaalinta afaraad ku jirta laakiin kaliya hal dhibic ayay ka sareeyaan Arsenal iyo Chelsea oo isku dhibco ah kuna kala jira kaalimaha shanaad iyo lixaad.

Supercomputer ay leedahay Football Web Pages ayaa xisaabiyay natiijooyinka macquulka ah ee koox walba ee kulamada u harsan, waxaana ay soo saareen saadaashooda booska ay koox walba ku dhameysan doonto horyaalka.

Sida Computer-ka uu saadaaliyay, Liverpool ayaa ku guuleysan doonta horyaalka halka Manchester City ay ku dhameysan doonto kaalinta labaad. Tottenham seddexaad ayay geli doontaa halka kooxda Ole Gunnar Solskjaer ee Man United ay geli doonto kaalinta afaraad.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Waxaanu Isaga U Bandhignay Saddex Jibaarka Mushaharka Uu Barcelona Ka Qaato Laakiin Marnaba Muu Aqbalin" - Koox Weyn Oo Qiratay Sidii Uu Messi Ugu Gacan Saydhay!!.

Arsenal ayaa ku dhameysan doonta kaalinta shanaad xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Unai Emery halka Chelsea ay geli doonto kaalinta lixaad.

Dhanka hoose ee miiska kala sareynta, Computer-ka waxa uu saadaaliyay in Huddersfield iyo Fulham ay heerka labaad u laabanayaan si la mid ah kooxda Cardiff City.