Super Mane – Sadio Mane Oo Xalay Baal Dahaba Iskaga Qoray Taariikhda Qaarada Africa & Mida Liverpool – Maxay Yihiin Labada Rekoodh Oo Uu Isku Xardhay?

Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa markale xalay guul wade u noqday kooxdiisa kaddib markii uu fure u ahaa inay ku guuleystaan tartanka UEFA Super Cup-ka ee qaarada Yurub markoodii afraad taariikhda.

Mane ayaa kulanka kusoo celiyay kooxdiisa bilawgii qaybtii dambe isaga oo kansalay goolkii uu Olivier Giroud iyaga ka dhaliyay qaybtii hore ee kulanka kahor inta uusan wakhtigii dheeriga ahaa ee kulanka goolka kale raacsan.

Goolka koowaad ee Mane ayaa ahaa mid uu ku galay buugaagta taariikha qaarada Africa waxaana uu noqday xiddigii labaad ee qaarada kasoo jeeda ee abid gool ka dhaliya UEFA Super Cup.

Shaqsiga koowaad ee xogtan haystay ayaa ahaa Fredric Kanoute kaas oo gool kasoo dhaliyay Final-kii ay Sevilla 3-0 ka ku xasuuqday Barcelona ee ka qabsoomay Stade Louis II ee kooxda Monaco.

Taariikhda labaad ee Sadio ayaa ah mid Liverpool dhexeeda uu ka samaystay waana inuu noqday xiddiga shanaad ee abid Reds goolasha ugu badan uga soo dhaliyay tartamada Yurub isaga oo 17 gool haysta.

Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Liverpool Uga Soo Dhaliyay Tartamada Yurub & Goolashooda

Steven Gerrard – 41 gool.

Michael Owen – 22 gool

Ain Rush – 20 gool

Roger Hunt – 17 gool

Sadio Mane – 17 gool