SUPER CUP: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Chelsea Iyo Liverpool Kahor Kulankooda Caawa – Min Imissa Ciyaartoy Ayay Blues & Reds Ku Kala Yeesheen Shaxdan?

Kooxaha ree England ee Liverpool iyo Chelsea ayaa caawa fooda isku dari doona dalka Turkey-ga halkaas oo ay ku kala calaf qaadi doonaan tartanka UEFA Super Cup.

Chelsea oo uu hoggaaminayo halyeeygeeda Frank Lampard ayaa caawa iskeenaysa koobkan iyada oo sidata tartanka UEFA Europe League oo ay qaab xarago leh uga soo qaaday kooxda Arsenal dhammaadkii May.

Liverpool oo uu horkacayo Jurgen Klopp ayaa kulankan kasoo xaadiri doonta iyadoo gacanta ku haysata tartanka ugu qiimaha badan qaarada Yurub ee UEFA Champions League kaddib guushii 2-0 ka ahayd ee ay Tottenham kasoo gaadhay.

Haddaba, Kahor kulankaas weyn ee muhiimka ah, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa shaxda isku dhafka ah ee kulankan anaga oo tix raacayna xulashada shabakada Sportsmole.

SIDOO KALE AKHRISO:  Man City Oo Etihad Stadium Babraro Kula Gashay Tottenham, VAR Oo Markale Qalbi Jabiyay Guardiola Iyo City Oo Dhibcihii U Horeeyay Lumisay.

Goolka ayuu shaxdan kasoo muuqday goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta ee Kepa oo Chelsea ka tirsan, Dabcan waxa la filanayay in Alisson uu helo booskaas balse sababata xulashada Kepa ayaa ah dhaawaca uu ku maqan yahay Alisson.

Shaxdan ayay daafaceeda awood badheedh ah ku muquunisay Liverpool waxaana ay leedahay dhammaan afarta daafac iyadoo aan Chelsea hal daafac laga soo qaadan gaar ahaan kaddib fashilkii iyo qaladaadkii daafac ee kulankii ay guuldarrada foosha xun kala soo kulmeen Man United.

Khadka dhexe ee shaxdan gaar ahaan booska bur-buriyaha ayaa loo xushay Fabinho iyo Kante oo ah laba xiddig oo kooxahan ka kala tirsan dabcan si qurxoona isku dhammaystiri lahaa haddii ay koox kawada tirsanaan lahaayeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma 16 Jirka Xalay Kala Dhantaalay Kooxda Paris Saint-Germain Ee Galay Buuga Taariikhda Horyaalka Faransiiska?

Labada garab ayay si is leeg u qaybsadeen Reds iyo Blues, Sadio Mane ayaa garabka bidix kasoo muuqday halka midigta uu helay saxeexa cusub ee Chelsea ee Christian Pulisic.

Kubad sameeyaha (No.10-ka) shaxdan ayaa loo xushay Roberto Firmino oo booskaasi uu u yahay midka uu hibada khaaska ah u leeyahay halka weeraryahanka dhexe uu galay Mohamed Salah.

Combined XI: LIV v CHE

 

1 Comment

Comments are closed.