Spain Oo Wacdaro Ku Dhigtay Wales, Portugal Oo Aan Ronaldo Tabin, Argentina Oo Gumaaday Iraq, France Oo Dirqi Ku Baxsaday Iyo Natiijooyinka Kulamadii La Ciyaaray.

Waxaa la ciyaaray qayb ka mid ah kulamada caalamiga ah ee qaramada Aduunka iyada oo xulalka qaramada Argentina, Spain, Portugal iyo kuwo kale oo badani ay guulo gaadheen. Xulka qaranka Spain ayaa halkiisa ka sii wata in uu dhibaato wayn u gaysto xulalka ka hor imanaya iyada oo Luis Enrique uu sii wato guulaha xidhiidhka ah ee uu La Roja ku hogaaminayo kadib markii ay dhulka jiideen xulka Ryan Giggs hor kacayo ee Wales.

Xulka qaranka Portugal ayaa ka soo kabsatay gool ay Poland kaga hormartay inkasta oo uu Cristiano Ronaldo ka cudur daartay in uu kulamadan ka qayb galo kadib eedaymihii kiiska kufsiga ahaa ee loo haystay.

Xulka qaranka Argentina oo iyagana uu Lionel Messi ka maqan yahay ayaa guul wayn ka gaadhay xulka carbeed ee Ciraaq iyada oo ay sii wataan guulaha ay kaga soo kabsanayaan xaaladii xumayd ee koobka aduunka.

Shixihii Wales vs Spain:

Wales XI (3-4-2-1): Wayne Hennessey; Chris Gunter, Ashley Williams, Ben Davies; Connor Roberts, Joe Allen, Ethan Ampadu, Declan John; Harry Wilson, Aaron Ramsey; Sam Vokes.

Kaydka: Jazz Richards, James Chester, Andy King, Tom Lawrence, Danny Ward, Tyler Roberts, George Thomas, David Brooks, Joe Rodon, Adam Davies, Ben Woodburn, Matt Smith.

Spain XI (4-3-3): David De Gea; Cesar Azpilicueta, Raul Albiol, Sergio Ramos, Jose Gaya; Saul, Rodri Hernandez, Dani Ceballos; Suso, Alvaro Morata, Paco Alcacer.

Kaydka: Jonny Castro, Nacho, Sergio Busquets, Koke, Thiago Alcantara, Marcos Alonso, Kepa Arrizabalaga, Iago Aspas, Rodrigo, Marco Asensio, Marc Bartra, Pau Lopez.

Xulka qaranka Spain ayaa qaybtii hore ee kulankan waxay dhulka dhigteen Wales kadib markii ay 3-0 gool hogaanka ku hayeen isla daqiiqadii 29 aad waxayna qaybtii labaad wali sii wateen in ay Wales xaalada ku sii xumeeyaan.

Spain waxaa goolasha u kala dhaliyay Paco Alcácer (8), Sergio Ramos (19),  Paco Alcácer (29) iyo Bartra (74) laakiin dhamaadkii ciyaarta Wales waxaa goolka calanka u keenay Vokes waxayna Spain guushan wayn ku gaadhay 4-1.

Xulka qaranka Portugal ayaa ka soo kabsaday gool uu xulka Poland kaga hormaray kulan xiiso badnaa oo ay labada xul shan gool iska dhaliyeen waxayna Portugal oo uu Ronaldo ka maqnaa guul ku gaadheen 3-2 iyaga oo Poland dhinac iskaga dhigay.

Laakiin xulka qaranka koobka aduunka difaacanaya ee France ayaa layaab la kulmay kadib markii uu xulka yar ee Iceland laba gool oo deg deg ah kaga hormaray waxaana goolka furitaanka daqiiqadii 30 aad u saxiixay Birkir Bjarnason balse Kari Arnason ayaa goolka labaad ee Iceland dhaliyay daqiiqadii 58 aad.

France oo yaaban ayaa goolka rajadooda soo celiyay helay daqiiqadii 75 aad wuxuuna ahaa gool uu iska dhaliyay xidiga xulka Iceland ee Eyjólfsson balse daqiiqadii 89 aad ee dhamaadkii ciyaarta France ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii Sigthorsson lagu ciqaabay in uu kubbada gacanta ku taabtay.

Daqiiqadii 90 aad da’yarka Mbappé ayaa kubbada qaatay wuxuuna dhamaystiray rekoodhaha waqtiga xaasaasiga ah xulkiisa lagu abaal mariyay wuxuuna u badalay goolka labaad ee barbaraha iyada oo ciyaartu noqotay 2-2.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay babraro 2-2 ah oo xulka koobka aduunka difaacanaya ee France uu dirqi kaga badbaaday guuldaro ay Iceland kala kulmi gaadheen.

Halkan kaga bogo Natiijooyinka kulamadii caawa la soo ciyaaray:

Argentina 4 – 0 Iraq

Bahrain 0 – 1 Syria

U.A.E. 1 – 1 Honduras

Turkey 0 – 0 Bosnia

Kuwait1 – 0 Lebanon

Congo 3 – 1 Liberia

Kosovo 3 – 1 Malta

Faroe Islands 0 – 3 Azerbaijan

Montenegro 0 – 2 Serbia

Israel 2 – 1 Scotland

Wales 1-4 Spain

Poland 2 – 3 Portugal

France 2 – 2 Iceland