SOO DHAWAADA: Arsenal Oo Tartanka UEFA Europa Leaque-ga Wehel Fiican Kaga Heshay Kooxo Waa Wayn Oo Ay Atletico Madrid Iyo Borussia Dortmund Ka Mid Yihiin.

Tartanka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa Leaque ayaa noqday mid xiiso badan yeelan doona kadib markii ay Arsenal heshay kooxo tartankan sare u soo qaadi doona. Kooxaha Borussia Dortmund, Atletico Madrid, Nopoli iyo kooxo qayb ka ahaa tartanka Champions Leaque isla markaana la filayay in ay wareega 16ka kooxood u soo baxayaan ayaa ku saaqiday tartanka labaad ee ayna kooxaha yurub jeclayn ee Europa Leaque.

Arsenal oo ka soo gudubtay heerkii groupyada Europa Leaque ayaa tartan xoogan kala kulmi doonta sidii ay koobkan ugu guulaysan lahayd qaabkii Manchester United si ay fursad kale ugu heli karto in ay Champions Leaque u soo baxdo laakiin siddeed kooxood oo kaalmaha saddexaad ka galay groupyadii Champions leaque ayaa tartanka Europa Leaque si xoogan uga soo muuqan doona.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ku fashilantay in ay Tottenham iyo Real Madrid la tartanto halka kooxda Atletico Madrid oo xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay wacdaro soo dhigaysay ay waji gabax kala kulantay groupkii ay Chelsea iyo AS Roma ka soo baxeen.

Halkan kaga bogo Kooxaha Europa Leaque ku soo biiray ee ay Arsenal iyo kooxaha soo baxay tartanka xoogan la gali doona:

Group A – CSKA Moscow

Group B – Celtic

Group C – Atletico Madrid

Group D –  Sporting Lisbon

Group E – Spartak Moscow

Group F – Napoli

Group G – RB Leipzig

Group H – Borussia Dortmund