Sixir Bararka Suuqa!! – Tobban Sano Kahor 80 Milyan Wax Uu Kuu Goynayay Xiddigii Dunida Ugu Fiicnaa Ee Cristiano Ronaldo Haatana 80-ka Milyan Waa Harry Maguire!!.

Manchester United ayaa maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay inay ku dhawdahay dhammaystirka saxeexa daafaca Leicester City ee Harry Maguire iyadoo wargeyska The Sun uu mar sheegay in labada kooxood ay heshiis gaadheen.

Heshiiskaas ayuu wargeysku xusay inuu ahaa 80 Milyan oo u kala qaybsanaa 60 Milyan oo hormaris ah iyo 20 Milyan oo gunnooyin ah taas oo Maguire ka dhigaysa daafaca ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta.

Xiddiga haatan rekoodhka daafaca ugu qaalisan haysta ayaa ah Virgil Van Dijk oo 75 Milyan Liverpool ugaga soo biiray dhinaca Southampton balse saamayn toos ah markiiba ku yeeshay safka kooxdaas.

Dhawaanahan ayay maalgelinta iyo lacagaha lagu kharash gareeyo suuqa kala iibsigu gaadheen heerkoodii ugu sarreeyay iyadoo Antoine Greizmann uu noqday xiddigii ugu dambeeyay ee wax ka badan 100 Milyan lagula saxeexdo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qareenka Neymar Oo Maanta Lagu Arkay Xafiisyada Mid Ka Mid Ah Kooxaha La Liga Ee Xiiseynaya Saxiixiisa Xagaagan

Lacagta lagu baahiyo kulamada iyo mid maalgelinta ay kooxuhu ku helaan heshiisyada oo kor u kacday ayaa la aaminsan yahay inay suuqa ka dhigtay mid waali ah iyadoo aan haatan xaaladaas meel ka hooseysa loo ridi karin.

Caddaynta ugu yar uguna macquulsan ee sida uu suuqa kala iibsigu sixir barar weyn u yeeshay farahana uga baxay ayaa ah in haata Harry Maguire uu Man United ugu wareegi karo 80 Milyan.

Tobban sano kahor ayay ahayd markii Real Madrid ay bixisay 80 Milyan oo euros isla markaana ay la wareegtay Cristiano Ronaldo oo Man United ka tirsanaa wakhtigaasna ahaa midka ugu fiican dunida.

SIDOO KALE AKHRISO:  Pep Guardiola Wuu Ka Tagi Doonaa Manchester City, Jurgen Klopp-na Waxa Uu Waayi Doonaa Mohamed Salah Markaas Ayay Man United ......

Real Madrid Presents Cristiano Ronaldo As New Player