SIR LA HELAY: Farriin Uu Bruno Fernandes Mid Kamida Asxaabtiisii Sporting U Diray Oo La Helay, Sida Uu Uga Cadhaysan Yahay Xiddigaha Man United & Xogta Yaabka Leh Ee Ku Qornayd.

Waxa soo if-baxday farriin uu saxeexa cusub ee kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ku diray aalada WhatsApp-ka xilli uu la sheekaysanayay mid kamida asxaabtiisa isla markaana laga dhex akhristay dareenkiisa xamaasadeed.

Fernandes ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Man United iyo kahorba soo muujiyay sida uu u yahay ciyaartoy hoggaamin uu qolka labiska ku saameeyo leh iyadoo sidaas si lamid ah laga dhex arkay farrimahan uu u diray mid kamida asxaabtiisii Sporting Lisbon.

Fernandes ayaa farriimahan si weyn ugaga cadhaysan qaar kamida xiddigaha kooxdiisa cusub ee Man United gaar ahaan dabeecadooda iyo hab-fikirka ay leeyihiin isagoo intaas ku daray inay muhiimadoodu tahay lacagta ay qaataan.

Farriintan WhatsApp-ka oo laga soo xigtay wargeyska Record ayaa odhanaysay “Walaal, Anigu waxba ma idhaahdo, Anigu daacad ahaantii, Haddii aad doonayso inaan kuu sheego waxaan ka doorbidayaa in aanan waxba ka faaloon”.

“Anigu si aad u xun ayaan uga fekeraa qaar kamida hab-fikirada ciyaartoyda qaar, Dhab ahaantii maaha hab-fikir la hubo, Waa hab-fikir aan jirin”.

“Halkan waxa jooga ciyaartoy aan fikirba lahayn walaal, Ma doonayaan inay halkan joogaan, Ma doonayaan inay ciyaaraan”.

“Ma doonayaan inay halkan joogaan kaddib ha baxaan, Haloo ogolaado inay yidhaahdaan ma doonayno inaanu ciyaarno, Sanad ayay halkan ku qaataan iyagoo lacag helaya kaddibna way baxaan, Walaal waa hab-fikir liita”.