Sir Faafiyaha Football Leaks Oo Markan Banaanka Soo Dhigay Xiisihii Real Madrid Ee Kylian Mbappe Sanadkii 2017 & Lacagihii Waalida Ahaa Ee Ay Ku Doonaysay.

Da’yarka ree France ee Kylian Mbappe ayaa ka baxay kooxda AS Monaco isaga oo ku biiray dhinaca Paris Saint-Germain xagaagii 2017 balse waxa si aad ah loola xidhiidhinayay Real Madrid iyada oo kooxda ree Spain qudheedu doonaysay inay soo xero galiso xiddigan.

Haatan ayaa daaha laga qaaday in Los Blancos ay lacago waali ah oo dhan 214 Milyan ku doonaysay xiddigan, 180 Milyan oo lacagahaas kamid ah ayaa ahaa kuwo gacanta laga saarayo Monaco halka 34 Milyan ay ahaayeen canshuuro.

Kylian Mbappe

Hadalkaas ayaa ah xogtii ugu dambeysay ee laga helayo sir faafiyaha dhawaanahan caanka ka noqday kubadda cagta caalamka ee Football Leaks oo warkan ku daabacay wargeyska ree France ee L’Equipe.

Da’yarkan ayaa ugu dambayn u dhaqaaqay PSG isaga oo magaalada Paris ka dhigtay mida uu dagan yahay, Monaco ayaan doonayn inay xoojiso koox maxali ah oo uu xifaaltan toos ahi ka dhexeeyo balse waxa ay waafaqeen inay ka iibiyaan Paris haddiiba ay gaadhi karaan 180-ka Milyan ee ay doonayeen.

Heshiiskan ayaan ahayn mid si degdeg ah loo dhammaystiray maadaama oo Mbappe uu marka hore sanad amaaha ah ku tegay PSG kahor intii aysan kooxdu dhaqan gelin qoddobkii ahaa inay si rasmi ah ula saxeexdaan.

Sidoo kale Paris Saint-Germain ayaa da’yarkan kula heshiisay inay shan Milyan siiyaan labada sano ee ugu horreeya ee uu kooxda joogo sidoo kalena mushahar 10 Milyan ah oo aysan cashuurtu ku jirin jeebka ugu shubaan.