Sir Alex Ferguson Oo Looga Shakisan Yahay Inuu Wax Kulahaa Taatikadii Ay Newcastle Ku Dishay Kooxdiisii Man United & Tababaraha Newcastle Oo War Weyn Shaaciyay.

Tababaraha kooxda Newcastle United ee Steve Bruce ayaa banaanka keenay sheeko muran badan dhalisay kaddib guushii hadal haynta badan yeelatay ee ay kooxdiisu ka gaadhay Manchester United Axadii toddobaadkan.

Magpies ayaa St James Park kusoo dhaweeyay Red Devils kulan ka tirsan tartanka Premier League, Da’yarka 19 sano jirka ah ee Matty Longstaff oo kulankiisii ugu horreeyay ee horyaalka ciyaarayay ayaa goolka guusha siiyay Newcastle.

Guuldarradaas ayaa United ka dhigaysa kuwo kaliya laba dhibcood ka sarreeya booska kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco iyagoo xilli ciyaareedkan sameeyay bilawgoodii ugu xumaa abid taariikhda Premier League.

Si kastaba, Tababare Bruce oo qudhiisu ah xiddigii hore ee Manchester United haatana hoggaan u ah Newcastle ayaa shaaca ka qaaday inuu markasta talo ka qaato Ferguson oo kusoo tababaray Old Trafford.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Bruce uu sheegay inuu Ferguson Isniintii hore kulankii Man United iyo Arsenal kula kulmay Old Trafford taas oo sababtay in shaki la geliyo haddii Ferguson uu talo ahaan u bixiyay mid kamida taatikooyinkii lagu khaarijiyay kooxdiisii hore.

Tababaraha Newcastle United ayaa yidhi “Anigu markasta waan wacaa Sir Alex Ferguson si aan u weydiisto wax yar oo talo ah haatan iyo markaleba anigu isaga waan la hadlay dhawr jeer”.

“Habeenkii Isniinta ayaan ku arkay Old Trafford laakiin idinku ma doonayaan inaad maqashaan wixii uu igu yidhi” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay.